Waa kee gaariga gaashaaman ee Ruushku sameeyo ee bandhigga wanaagsan ka sameeyey dagaalka Ukraine? + Sawirro

0

(Hadalsame) 06 Juun 2022 – Gaariga Kamaz Typhoon VDV K-4386 ee Ruush-sameega ah ayaa waxaa la caddeeyey inuu aad uga wanaagsan tahay dhiggiisa, marka la eego labada door: inuu u shaqeeyo gaadiid ciidan ahaan iyo inuu dagaalkaka qaybgalo, marka loo eego hubka isaga u dhigma ee reer Galbeedka.

Waxaa ku rakiban qori otomaatig u dhaca oo uu maraarihiisu yahay 30mm auto cannon, kaasoo sidoo kale ah hubka ugu muhiimsan gaariga gaashaaman ee BMP-2, markii dambena lagu rakibay labada helakabtar weerar ee Hokum ama Yaxaaska Madow iyo Havoc ama Mi-28.

Qorigan oo remote lagu weecweecin karo laguna ridi karo, ayaa waxa uu si siman waxtar ugu leeyahay ciidamada dhulka, oo u adeegsan kara diyaaradaha joog hoose ku duulaya, iyo baabuurta gaashaaman ee fudud. Wuxuu sidoo kale geli karaa dagaalka caadiga ah ee dhulka.

Midda lagu ammaanay waxay tahay in markii loo fiirsaday qaybaha ay askartu fariistaan ee baabuurta lagu burburiyey Ukraine, waxaa soo baxday inaysan gaarin waxyeello badan, taasoo muujinaysa in gaarigu uu leeyahay gaashaan adag.

Hadalsame Media