Turkiga oo sameeyey nooc cusub oo ah daroon loogu tala galay inuu qabto howl aad u xasaasi ah + Sawirro

0

(Ankara) 06 Juun 2022 – Turkiga ayaa soo saaray nooc cusub oo daroon nooca is miidaamiya ah oo lagu magacaabo Kargı oo ay sameeyeen Wershadaha agabka Difaaca ee Turkiga kaasoo markii ugu horreeysey lagu soo bandhigay qayb ka mid ah dhoollatuska millateri ee EFES-2022.

Layligan oo ah mid ka mid ah kuwa ugu wayn ee loo qorsheeyey ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK), waxaa dhoollatuska EFES-2022 oo ka socda degmada Seferihisar ee galbeedka Izmir sidoo kale ka qayb qaadanaya xubno saaxiibo iyo xulafo la ah Turkiga.

Marka la eego baaxadda layliga, shirkadda agabka difaaca soo saarta ee maxalliga ah ee Lentatek ayaa waxay soo bandhigaysaa daroonkan (UAV) ay ku samaysay agab maxalli ah iyo tas-hiilaad gudeed.

Mashruuca Kargı waxaa asal ahaan bilaabay Lentatek oo ay taageerayaan Golaha Cilmi-baarista Sayniska iyo Farsamada ee Turkiga (TÜBITAK).

Kargı wuxuu xakameyn karaa oo baabi’in karaa radaarka cadowga sida kuwa difaaca cirka ee cadowga iyo hababka dhul ilaa cir, iyada oo diyaargarowga iyo tijaabadu hadda u dhammaatay, Lentatek wax yar baa uga haray inay gasho marxaladda soo saar wadareedka.

Nidaamyada dhulka, hagitaanka iyo qaabaynta nidaamka xakamaynta duullimaadka tooska ah iwm ayaa dhamaantood waxaa lagu horumariyey gudaha Turkiga, sidoo kale barnaamij-howleedka ay ku shaqayso iyo nidaamka software-ka ayaa wada Turkish ah.

Daroonkan oo tijaabada soo bilaabay matoorkiisana ay leedahay shirkadda kale ee Turkiga ah ee TAI, ayay Turkigu uga maarmayaan midka ay Israel dhisto ee Harpy oo ay adeegsanayeen Ciidanka TSK.

Hadalsame Media