BAHDIL DIBLOMAASIYADEED: 3 Dal oo laf dhuun gashay ku noqday tillaabo uu maanta qaadi lahaa Ruushku

0

(Hadalsame) 06 Juun 2022 – Booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, uu Serbia ku tegi lahaa ayaa la baajiyey kaddib markii wadamada ku teedsan dalalka Balkanku ay hawadooda ka xirteen diyaaradiisa, sida ay sheegtay warbaahintu.

Woqooyiga Macedonia, Bulgaria iyo Montenegro dhammaantood ayaa waxay diideen inay u oggolaadaan diyaaradda Lavrov sidda inay isticmaasho hawadooda, sida uu werinayo maalinlaha Seerbiya ee Vecernje Novosti.

Wakaaladda Wararka Ruushanka ee Interfax ayaa sheegtay in ilo diblamaasiyadeed oo sare ay arrintan u xaqiijiyeen warbaahinta maxalliga ah ee Serbia oo ah dal ay sinji, dhaqan ahaan iyo diin ahaan aad iskugu dhow yihiin Ruushka.

Ma jiro wax wacaal ah oo weli ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka. Lavrov ayaa lagu wadey inuu maanta oo isniin ah gaaro caasimadda Serbia ee Belgrade.

Hadalsame Media