MW Maraykanka oo mar qura meel ammaan ah loola cararay & waxa dhacay?

0

(Hadalsame) 05 Juun 2022 – Madaxwayne Joe Biden ayaa lagala cararay gurigiisa ku yaalla xeebta Delaware kaddib markii ay diyaarad aan la fasaxin ay u soo gudubtay hawada xaddidan ee ka sarreysa gurigiisa, taasoo keentay in la dabaqo borotokoollo dhanka amniga ah.

Mid ka mid ah haweenka ku nool agagaarka, Susan Lillard, ayaa u sheegtay CBS News inay aragtay diyaarad yar oo cad oo dul heehaabeysa aagga uu ku yaal guriga Biden ee xeebta ee magaalada.

Waxay ahayd abaaro 12:45 p.m. ee shalay dabadeed waxay aragtay laba diyaaradood ee nooca millateriga ah oo joog hoose ku duulaya daqiiqado kaddib magaalada dul wareegaya.

Madaxwaynaha ayaa markiiba loola cararay meel ammaan ah abbaare 1pm Sabtidii kaddib markii diyaarad si gaar ah loo leeyahay ay “si khaldan” u gashay aag cireed ammaan ah oo u dhow guriga fasaxa ee Biden ee ku yaal xeebta Rehoboth, Delaware, Sida ay sheegtay hay’adda USSS ee Maraykanka oo bayaan soo saartay.

“Diyaaradda ayaa isla markiiba laga saaray hawada xaddidan,” ayay hay’addu ku dartay.

Goobta ammaanka ah ee MW Biden loola cararay ayaa lagu soo waramayaa inay ahayd goob dab-damis oo gurigiisa u dhow.

Baabuurta Biden gelbinaysa ayaa la arkayey iyagoo u socdaalaya dhanka xarunta dab-damiska, halkaasoo gaari SUV ah oo uu Madaxwaynuhu saarnaa uu gudaha u galay.

Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa la xirey in ka badan 20 daqiiqo xilli wakiillada Sirdoonka USSS ay nadiifinayeen aagga ayna baarayeen wixii khatar suurtagal ah, sida uu sheegay weriyaha CBS News ee Bo Erickson.

Hadalsame Media