QIIMAYN & MISE QIYAAS XUMO: Hal arrin oo dhacday intii lacagaha loo ururinayey MW hore oo muujinaysa mas’uuliyad darro wayn

0

(Hadalsame) 05 Juun 2022 – Arrinta lacagta uu yaboohsanayo MW hore ee dalka ayaa dad badan ka daadegi la’, waxa ay dadku diiddan yihiinna ma aha in shacab taageersani wax siiyaan, balse waa xilliga iyo duruufaha ku hareeraysan. Sidoo kale, sida uu damiirka MW hore u aqbalayo in dalkii oo ay 8 milyan baahi ugu dhimanayaan uu isagu lasoo istaago ”halla ii dhiso guri qaali ah.”

Waxaa jirta murti Soomaaliyeed oo laga cabiro reer ay habeen dad socoto ihi usoo martiyeen, kaddib qof qoyskii loosoo martiyey ka tirsan la isku dayey in loo sheego in caawa la dhimayo intii qarsin ee loo guri jirey, balse qofkii ayaa si dhiirran ula soo boodey: ”Marti ha timaado ama yaysan imanine 12-kaygii QARSIN ayaan rabaa.!!”

Bal wax kaleba daayoo qiyaas in qof in yar oo mas’uuliyad ah dareemayaa uu aqbali lahaa in isaga oo wata kabo 5,000 oo Doollar ku fadhiya qof qurbaha jooga oo isaga kun jeer ka dakhli yari uu u qaaraamo 1,000 Doollar, taa biddaalkeediina uu isla qofkaasi 8 milyan oo baahan u garto 150 Doollar oo qura?!!

Dhaliili mayno qofka lacagtaa diray isaga ayaa yaqaan sida uu u fikirey, laakiin miisaan ma saarna in qof 3 waqti haysta oo huwanaya go’ kumannaan Doollar jooga la siiyo lacago uu ku findhiciso oo weliba aanu qof kale oo taajir ihi bixine shacab masaakiin ah laga ururinayo, taasi soow dhiig-miirasho maaha? Qiyaas haddii shacabkan awooddooda loo duwi lahaa inay u qaaraamaan abaaraha ama xitaa ka qaybgalaan mashaariicda horumarinta ah iyo dhismaha kaabayaasha dalka ama sugidda ammaanka dalka ama dib u heshiisiinta iwm?!!

Waxaa sidoo kale hubaal ah in MW hore oo jecel in la hadal hayo uu arrintan doonayo inuu u adeegsado iidheh siyaasadeed oo uu is leeyahay waxaad ku muujinaysaa in ”lagu taageersan yahay”, laakiin waxaa meesha ka maqan in sidoo kale la miisaamo natiijooyinka taban iyo fikradaha xun ee ka dhalanaya ama sida ay dadku arrintan uga qaadanayaan inaan MW hore ee Farmaajo aanu wax dan ah ka lahayn silaca iyaga haysta oo uu la mid yahay qofkii yiri ”12-kii qarsin ayaan doonayaa, marti waxba igama geline.”

Waxaa kasii daran, in la yiri guri baa la dhisayaa, balse la ururinayo lacag malaayiin ah, marka caadiyan la doonayo in la sameeyo qaaraan wadareed (crowd funding), waxaa la bartilmaameedsadaa inta ay la egtahay lacagta la doonayo kaddibna waa la hakiyaa howsha, haatan oo wax milyan ka badan la ururiyey maxay haddaba usii socotaa arrinta yaboohsigu haddii uu ujeedku ahaa in guri uun la dhiso?

Farmaajow arrintani kuuma fiicna, nidaamka aad sheegto inaad u taagnayd ee ahaa inaad musuq la dirir tahayna meelna kama soo gasho ee fadlan inta isku noqotid arrintan soo afjar! Waxa la ururiyayna u weeci dhanka abaaraha oo ka xaragoo waxyaabaha qaar.

 

Tifaftirka

Hadalsame Media