”Dameer dhegaha dhaadheer baad ku garataa!” – Ukraine & dal kale oo NATO ka tirsan oo ay meel xun ka marayso

0

(Kyiv) 05 Juun 2022 – Muran diblomaasiyadeed oo aad u ba’an ayaa ka dhex qarxay Kiev iyo Budapest, iyadoo mas’uuliyiinta sare ee labada dal ay is dhaafsanayaan aflagaaddo ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin caafimaadka dhimirka. Waxaa arrintan kiciyey hadal uu jeediyey Afhayeenka Baarlamaanka Hungary ee Laszlo Kover, kaas oo weeraray hab-dhaqanka Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymyr Zelensky ee ku aaddan quruumaha kale.

“Ma xasuusan karo mar uu hoggaamiye waddan u baahan gargaar uu ku dhiirradeu inuu qof walba ula hadlo qaab la mid ah sida Madaxwayne Zelensky, ka hadli maayo kaliya wararka ka dhanka ah Hungary, laakiin xitaa sida uu uga hadlay hoggaamiyaha Jarmalka,” Kover ayaa sidaas ku yiri wareysi uu siiyey hilinka maxalliga ee HirTV Sabtidii.

Habka qallafsan ee Zelensky u dalbado gargaarka shisheeye waxaa ka muuqata “dhibaatooyin dhanka dhimirka ah oo shakhsi ahaaneed,” ayuu yiri Kover. “Qofku waa inuu u hanjabaa cadawgiisa, balse ma aha inuu u hanjabo kuwa aad rabto inaad saaxiibo la noqoto. Waxaa jira noocyo dhibaatooyin dhimir ah, mana garanayo waxa laga qaban karo,” ayuu yiri.

Hadalkaasi waxa uu Kiev ka dhaliyey qalalaase diblomaasiyadeed, iyadoo saraakiisha Ukraine ay iyana aflagaado ballaaran u gaysteen guud ahaan Hungary iyo Kover shakhsi ahaan. Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Madaxwaynaha Ukraine ee Andrey Sibiga ayaa ku jawaabey oraahyo uu isna su’aal ka keenayo caafimaadka dhimir ee Kover.

“Dameer dhegahaad ku garataa, nacasna afkiisa dheer. Maskaxda gaabanina waxay leedahay carrab dheer,” ayuu Sibiga ayaa ku soo qoray Facebook, isaga oo dhaleeceeyey “hadallada aan la aqbali karin, ee xunxun ee wax uu ku sheegay ‘siyaasiyiinta heer hoosaadka ah’ sida madaxa aan xushmadda mudnayn ee Baarlamanka Hungary”, sida uu yiri.

Jawaab la mid ah ayaa timid Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ukraine, oo iyadna ka dalbatay Kover inuu soo bandhigo caddayn muujinaysa caafimaadkiisa maskaxeed.

“Qiimaynta dheeraadka ah ee erayada Kover waxay si toos ah ugu xiran tahay qiimaynta ku diiwaan gashan shahaadada caafimaadkiisa.” ayuu si jees jees ah u yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine, Oleg Nikolenko kaasoo Hungary ku eedeeyey inay ku jirto wax uu ku sheegay ”safka shaydaanka” oo uu ula jeedo inay la jirto Ruushka oo ay tamar ahaan aad ugu tiirsan tahay.

Hadalsame Media