”Cabsi ballaaran ayaa soo wajahdey!” – MW Erdogan oo kashifay dhibaato Yurub soo food saartay

0

(Ankara) 05 Juun 2022 – Dalalka Xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo dalalka kale ee Yurub ayaa ku jira xaalad “argagax ah” oo ku saabsan qulqulka qaxootiga ka imaanaya Ukraine, sida uu goor dhowayd sheegay Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan.

Isagoo ka hor hadlayey taageerayaasha xisbigiisa kuna sugan magaalada Kizilcahamam, Erdogan ayaa sheegay in Turkigu “uu ku guulaystey inuu maareeyo socdaalka sharci darada ah ee ka imaanaya Suuriya muddo 11 sano ah, waxaan Yurub ku aragnaa argagax ka dhashay xiisadda Ukraine iyo Ruushka.”

Madaxa Dowladda Turkiga oo hadalkiisa sii wata ayaa se rajo ka muujiyey in dunidu ay sida ugu dhaqsaha badan uga bixi doonto xilligan xasaasiga ah ee ay ku jirto.

Tan iyo markii uu Ruushku weeraray Ukraine dabayaaqadii bishii Febraayo, ku dhowaad 14 milyan oo reer Ukraine ah ayaa barakacay, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Jimcihii Amin Cawad, Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isu-duwaha Xasaradaha Qaramada Midoobey ee Ukraine.

6 milyan oo dadka dalkaasi Ukraine ka mid ah ayaa la rumaysan yahay inay u qaxeen dalalka deriska ah iyo kasii fog.

Xogo kale oo la dusiyey ayaa beryahanba sheegayey in reer Galbeedku ay durba jeexeen qorshe ay ku doonayaan in xal nabadeed laga gaaro dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo ay iyagu qayb ahaan gacan ka gaysteen inuu qarxo, kaddib markii uu ka dhashay sicir barar iyo kaalmo fara badan oo balaayiin ah oo ay Ukraine u baahan tahay.

Hadalsame Media