Warkii ugu dambeeyey ee laga helo dhanka Fannaanka Iidle Yare (Maxay sheegeen qoyskiisu?)

0

(Nairobi) 04 Juun 2022 – Fannaanka Iidle Yare ayaa boggiisa Facebook kusoo qoray kelmad kicisay dareenka shacabka Soomaaliyeed.

Iidle ayaa soo qoray farriin aan xumayn balse fasiraado kala geddisan lagala baxay maadaama uu beryahan ka sheeganayey cudurka Sonkorowga.

“Ilmahaygii Allaah ayaan idiinkaga tegey,” ayuu soo qoray Iidle. Kaddib ayay dadku bilaabeen inay wacaalkiisa raadiyaan, waxaana arrinta qayb ahaan ka war keenay weriye Fu’aad Xaaji Cabdiweli oo isla Nairobi ku sugan oo uu Hadalsame la xiriirey, isagoo soo qoray:

“Dad badan ayaa ilasoo xiriiray oo I weydiiyay xaaladda saaxiibkey fannaan Iidle Yare, waxaan ka imid gurigiisa, ma uusan joogin, caruurta oo aan la kulmay waxey ii sheegeen in uu aaday dhaqtar saaka, aysanna ka warheyn meesha uu hadda ku suganyahay,” ayuu ku bilaabay Fu’aad.

“Telkiisu waa dansan yaahay, hadda ayaan dhaqaaqay aniga iyo mid kamid ah saaxiibidiis si aan u helno, warna uga keeno. Amuuraha Allaha sahlo!” Ayuu raaciyey.

Hadalsame Media