Weriye reer Galbeed ah oo la yaabay sida loo wajahayo arrin halis ah oo ka taagan Somalia

0

(Hadalsame) 03 Juun 2022 – George Anderson oo ah weriye qalaad oo aad ugu duun daloola arrimaha Somalia ayaa keenay dood maangal ah oo ku saabsan hab-dhaqanka Soomaalida oo u muuqata kuwo aan wax dan ah ka lahayn abaaraha soo noqnoqnaya.

Somalia oo marka ay doorasho jirto uun siyaasadda laga hadlo, midkii la doortana la siiyo 4 sano oo dab la gelinayo iyadoo aan wax gacan ah la siinaynin, ayay muhiimaddu iska noqotaa ciddii kursiga fadhida iyadoo aan in badan laga hadlin ama la keenin wax qabad micne leh.

Anderson ayaa soo qoray: ”Ma filan kartid in dunida oo dhami ay kaa caawiso macaluusha iyadoo dalka laftiisu uusan degsan tillaabooyin wax looga qabanayo isbeddelka cimilada.

”Waa waqtigii ugu habboonaa @HassanSMohamud dhanka wax ka qabashada khatartan ka ganacsiga dhuxusha oo si wayn u naafaysay dhirta taasoo horseedaysa abaarta.” ayuu soo jeediyey.

Somalia ayaa u baahan siyaasad dhanka bay’ada iyo degaanka khuseeysa oo weliba deg deg ah, nasiib darrro taasi uma muuqato mid dhow, iyadoo tusaale ahaan, Maamulka Jubbaland oo fadhiya magaaladii uu soo galay 2011-kii, uusan qabanin wax ka badan in Dekedda Kismaayo loo rogo xarunta dhuxul dhoofinta Somalia, halkii la samayn lahaa mashaariic ammaan, kalluumaysi, beero, dhisme adeegyo iwm ah.

Hadalsame Media