”Waxay wadaan dhaqan aan saaxiibtinnimo ku dheehnayn!” – Ruushka & Norway oo ay ka tafatay (Tillaabo uu qaaday)

0

(Moscow) 03 Maajo 2022 – Waxaa sida muuqata ay Moscow go’aan adag ka qaadatay dalka Norway iyadoo ka baxday heshiis ay horay ugu wada jireen dalka ay deriska ka yihiin dhanka woqooyi ee Norway.

Maria Zakharova, Afhayeenadda Wasaarad Dibadeedka Ruushka ayaa tafaasiil kooban ka bixisay nooca ay tahay, iyo sababta keentay tillaabada ay qaadeen oo ay ku jiraan kuwo horayba loo qaaday dhammaadkii bishii tagtay ee Maajo.

”Iyadoo la eegayo mowqifka aan saaxiibtinimadu ku dheehnayn ee Norway ee ku fooggan Ruushka, waxaan go’aansannay inaan hakinno iskaashiyada nukliyeerka iyo amniga shucaaca,” ayay ku bilowday Zakharova.

”Go’aanka lagu hakiyey dadaallo dheeri ah iyo mashruucyo wadajir ah oo labada dal ka dhexeeyey ayaa waxaa lagu dhawaaqay Maajo 31.” ayay raacisay.

Norway weli arrintan kama hadlin oo war rasmi ah kama soo saarin, lamana oga saamaynta ay arrintani yeelan karto. Ruushka ayaa sidoo kale qorshaynaya inuu ka baxo Hay’adda Ammaanka Yurub.

Hadalsame Media