Ingiriiska oo qiray in cudur halis oo si wayn ugu faafaya uu u badan yahay dadka isku jinsiga ee isu taga

0

(London) 02 Juun 2022 – Hay’adda Ammaanka Caafimaadka UK ayaa maanta ku dhawaaqday in markii ay dabagal sameeyeen ay soo heleen xiriir ka dhexeeya cudurka Busbus-daanyeerka ee haatan dalkaa aadka ugu fidaya iyo ‘baararka khaniisiinta, goobaha sauna-da oo ay dadka caadiga ihina tagaan.

MailOnline ayaa daaha ka qaaday in ragga u galmooda ragga kale, ay si xad dhaaf ah u qaadeen cudurkan dillaacay. Madaxda caafimaadka UK ayaa waxay xaqiijiyeen in kiisaska guud ee lagu arkay bulshada ay ka yihiin ugu yaraan 60%, halka kaliya 2 ka mid ah dadka cudurkani haleelay ay yihiin dumar.

Cudurkan Busbus-daanyeerka ayaa u badan dalka UK oo ay isna usii badan yihiin dadka ku dhaqan Gobolka England oo ay kiisas qur ihi ka baxsan yihiin.

Natiijooyinka UKHSA waxay sidoo kale faahfaahinayaan in ku dhowaad ​​90% dhammaan kiisaska England laga diiwaangeliyey dadka deggan London. Hay’addu waxay sheegtay inay la shaqaynayso milkiilayaasha goobaha la iskugu yimaado iyo qabanqaabiyayaasha munaasabadaha ee caasimadda taasoo qayb ka ah howlo wacyigelin ah oo iminka bilaambay.

Warkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo hay’adda UKHSA ay maanta xaqiijisay 6 kiis oo cusub oo kale, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee kiisaska dalkaasi tan iyo markii uu cudurku dillaacay Maajo 6, ilaa 196 kiis. 5 ka mid ah kiisaskan cusub waxaa laga helay England, halka mid lagu arkay Scotland.

Ma aha markii ugu horreeyey ee cudurro halis ah lala xiriiriyo arrimahan, waxaana horay u jirey daraasado muujinaya in cudurro aan dawo lahayn sida AIDS-ku ay badiyaan ku dhacaan dadka isku jinsiga ah ee macaamila.

Hadalsame Media