Hadal uu Baydhabo ka yiri ma laga qaadan karaa halka ay u socoto siyaasadda MW Xasan Sh? (Daawo)

0

(Hadalsame) 02 Juun 2022 – Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud khudbaddii ugu horaysay ee uu meel fagaare ah ka jeediyo tan iyo markii la doortay 15kii bishii hore waxay muujinaysaa in uu doonayo in uu kaga dhabeeyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Hadalka uu xalay ka jeediyey Baydhabo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu ku gudbiyey dhanbaalo badan, oo uu ku dejinayo xaaladaha siyaasadeed ee abuurmay doorashada ka dib, kuwaas oo laga dareemay meelo badan gaar ahaan magaalada Baydhabo oo isbeddelkii dalka ka dhacay siyaasad ahaan aad u saameeyey.

Siyaasadda uu qaatayna sida muuqata Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud lagana akhrisanayey khudbadiisa waxay ahayd dhinacayaga waad ka ammaan helaysaan idinkuna is dhaqaalaysta, taas oo ah siyaasad ku qeexan in arrimaha Soomaalida dhexdeeda lagu dhaqo eber mashaakil, haddii uu kaga dhabeeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud arrintan waa siyaasad muxaniknimo ku dhisan oo uu uga faa’iideysan karo sidii loo xallin lahaa mushkilado badan oo ka waaweyn in maamul goboleedyada weeraro iyo dagaalo siyaasadeed lagu qaado, iyada oo magaalooyinka aan laysaga gudbi karin.

Safarada Xasan Shiikh Maxamuud ugu baxay labadii maamul goboleed ee ugu dhawaa maamulkii isaga ka horeeyey waa dhanbaal siyaasadeed oo uu dirayo Xasan Shiikh Maxamuud , hawlo kale oo muhiimana uu doonayo in uu u jihaysto, dagaalada siyaasadeed ee gudahana uu ku yareeyo.

Khudbaddii xalay uu Xasan Shiikh Maxamuud Baydhabo ka jeediyey waxay ahayd bilow fiican oo laga akhrisan karo siyaasadda uu ku hawl galayo Xasan Shiikh Maxamuud muddooyinka soo socda.

W; Q: Asad Caddaani Ibraahim

Hadalsame Media