Turkiga oo kaddib Sweden & Finland digniin culus u diray laba dal oo kale oo NATO ku jirta (Danjirayaashooda oo loo yeerey)

0

(Hadalsame) 01 Juun 2022 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa u yeertay Safiirrada dalalka Jarmanka iyo Faransiiska si ay ugusoo bandhigaan warqad cabasho ah oo ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada aan la xakameynin ee xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) ay ka wadaan dalalkooda.

Ankara waxay horay uga digtey dhammaan xubnaha NATO, gaar ahaan Finland iyo Sweden, oo isku dayaya inay ku biiraan Gaashaanbuurta, inaysan u dulqaadan doonin taageero kasta oo la siiyo kooxaha argagixisada ah ee ka soo horjeeda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mevlut Cavusoglu, oo Talaadadii la hadlay Wakaaladda Dowladda ee Anadolu ayaa sheegay in Turkigu uu ka walaacsan yahay dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee kooxda PKK iyo ururada kale ee argagaxisada ihi ay ka wadaan Faransiiska iyo Jarmanka, kaddib markii kooxdaasi oo ay Ankara u aragto argagixiso ay mudaaharaadyo ku qabteen labadan dal.

“Waxaan ka hadlaynaa isu soo baxyo lagu soo bandhigay calaamadaha iyo calamada argagixisada. Safiirrada Jarmanka iyo Faransiiska ayaa sidaa darteed shalay looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Waxaana la guddoonsiiyey qoraallo la xiriira falalka noocan oo kale ah ee ururada argagixisada. Waxaan siinnay digniin adag,” ayuu yiri Cavusoglu.

Inkasta oo aanu Wasiirku si gaar ah u xusin mudaharaadyada keenay jawaabta Ankara, haddana waxa ay u muuqataa in uu ka hadlayey isu soo bax socodyo dhaadheer ah oo ay dhowaanahan halkaa ku qabanayeen dhaqdhaqaaqyada dhallinyarada Kurdiyiinta ee Jarmanka, Faransiiska, Giriigga, Ingiriiska, Sweden iyo Switzerland, kuwaasoo Axaddii bilowday islamarkaana lagu wado inay socdaan todobaadyo, waxaana lagu codsanayaa sii daynta jabhadka wayn ee Kurdish-ka ee Abdullah Ocalan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa sidoo kale sharraxay in tani tahay sababta ay Turkigu weli uga soo horjeedaan ku biiritaanka Sweden iyo Finland ee NATO, ilaa ay ka fulinayaan dalabaadka Turkiga ee ah in la joojiyo dhammaan taageerada kooxahan oo argagixiso ahaan ugu suntan Ankara.

 

Hadalsame Media