MW Xasan Sh oo ay hor taallo u istaagidda arrin halis ku ah jiilka jooga & kan soo socda

0

(Hadalsame) 01 Juun 2022 – Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay injj sameeyey baaritaan rasmi ah oo ku saabsan markab dhuxul sidey oo lagu xannibay dalka Cummaan.

Waxaa uu intaa raaciyey in baaritaanka iyo macluumaad la ururiyay ay la wadaageen hay’addaha DF ee ay khuseeyso.

Yeelkeede, arrintan oo sidoo kale ah middii uu Wasiirka 1-aad ee xil-gaarsiintu u cuskaday xil ka qaadis uu sheegay inuu ku sameeyey Wasiir Dibadeedka DF ayaa waxaa ka taagan 2 su’aalood:

1 – Arrintani ma aha mid toos u khuseeysa Xafiis Hanti-dhowrka oo aysan shaqadiisu ahayn baarista arrimo dhacaye looga fadhiyo howlo kale sida xisaab-xir iwm.

2 – Haddii ay DF diiddan tahay in dhuxusha la dhoofiyo waxay tahay in lagula xisaabtamo laba dhinac:

A) Axmed Madoobe oo ah ninka gudaha ka dhoofiya dhuxushan oo haatan halis toos ah ku haysa ammaanka qaranka.

B) In lagula xisaabtamo dalalka soo degsada oo uu koow ka yahay Imaaraadka Carabta oo shiishad ku caba mustaqbalkii jiilka soo socda ee Soomaaliyeed, maadaama ay xaalufinta dhirtu tahay ifafaale cimilo oo halis ku ah degaanka, Soomaaliyana ay ka mid tahay dalalka ay abaartu kusoo noqnoqonaysey sanadihii ugu yaraa ee dame oo ay 3 abaari dhaceen muddo 5 sanadood ah.

MW cusub ayay tahay inuu qaato go’aan cad oo arrintan xal waara loogu raadinayo.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media