ITALY VS ARGENTINA: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(London) 01 Juun 2022 – Waxaa caawa ciyaar kulul ku ballansan xulalka Talyaaniga vs Argentina oo kala haysta Euro 2020 iyo Copa America iyadoo kulankan oo lagu naanayso ‘Finalissima’ uu ka dhacayo gegada Wembley ee magaalada London.

Kulankan oo laakiin rasmiyan loo yaqaanno ‘CONMEBOL–UEFA Cup of Champions’, ayaa waxaa ku faltamaya labada xul ee Azzurri iyo Albiceleste xilli ay Talyaanigu doonayaan inay waa cusub galaan kaddib markii ay KA2022 ka reebeen dalka yar ee North Macedonia oo 1-0 ugu qoonsaday safarka Qadar.

Macallin Roberto Mancini oo ka badbaadey in xilka laga eryo ayaa ballanqaaday in kulanka caawa wixii ka dambeeya uu fursado qaali ah siin dooni dhallinyarada Talyaaniga ee haatan soo baxaysa, si uu xulka ugu diyaariyo Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2024.

Shaxda laga yaabo ee Italy vs Argentina:

Italy (4-3-3): Donnarumma; Di Lorenzo, Bonucci, Chiellini, Emerson Palmieri; Pessina, Jorginho, Barella; Bernardeschi, Belotti, Insigne.

Argentina (4-3-3): Martinez; Molina, Romero, Otamendi, Acuna, De Paul, Guido Rodriguez, Lo Celso; Messi, Lautaro Martinez, Di Maria.

Hadalsame Media