Dal ka tirsan NATO oo ku baaqay in la ”hakiyo” cunaqabataynta la saaray Ruushka & sababta

0

(Hadalsame) 01 Juun 2022 – Ra’iisal Wasaaraha Belgium, Alexander De Croo, ayaa soo dhoweeyey heshiiska EU-da ee xirmada lixaad ee cunaqabataynta ka dhanka ah Moscow, laakiin wuxuu ku baaqay in la “hakiyo” ilaa saamaynta tallaabooyinka laga ogaanayo.

Horraantii Talaadadii, Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub, Charles Michel, ayaa xaqiijiyey in wadamada xubnaha ka ah ururku ay mabda’ ahaan isku raaceen wareeggii lixaad ee cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka, oo ay ku jirto qayb ka mid ah cunaqabatayn la saarayo shidaalka Ruushka. Cunaqabatayntan ayaa loo soo rogey si jawaab celin u ah duullaanka ciidammada Moscow ay ku qaadeen dalka Ukraine.

Isagoo la hadlayey suxufiyiinta kahor maalintii labaad ee shirka Midowga Yurub ee Brussels, De Croo wuxuu sheegay in saamaynta cunaqabateynta saliiddu ay noqon doonto “mid wayn” sidaas darteedna loo baahan yahay “hakin”. “Ka Belgium ahaan, xirmadani waa tallaabo wayn oo horay loo qaaday, aan hadda halkaa ku hakanno oo aan aragno saamaynteeda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa uu intaa ku daray in mudnaanta ugu wayn ee hadda ay tahay in la helo habka ugu wanaagsan “ee loo xakameeyn karo sicirka tamarta.” Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Estonia Kaja Kalas ayaa iyadyna Talaadadii ugu baaqday Midowga Yurub inay ka wada hadlaan cunaqabataynta gaaska taasoo qayb ka ah xirmada soo socota. Si kastaba ha ahaatee, waxay si cad u sheegtay inaysan filaynin in ururku u qaadi doono tallaabooyinkan oo kale waqti dhow.

Xogta Guddiga Maamulka Yurub ayaa muujinaysa in Midowga Yurub uu wax ka badan 40% gaaskiisa ka helo Ruushka.

“Waxaan qabaa in gaasku uu ka mid noqdo xirmada toddobaad, laakiin sidoo kale waxaan ahay qof waaqici ah. Uma malaynayo inuu ku jiri doono,” ayay u sheegtay suxufiyiinta. Sidaas darteed, Chancellor-ka Austria, Karl Nehammer, wuxuu sheegay in gaaska “aan looga hadli doonin xirmada cunaqabataynta ee soo socota.”

Xirmada lixaad ee tallaabooyinka la filayo in la ansixiyo Arbacada, ayaa ka bankiga ugu wayn Ruushanka ee Sber ka saaraysa nidaamka farriimaha maaliyadeed ee SWIFT. Waxa ay sidoo kale mamnuucaysaa saddex warbaahinood oo kale oo Ruush ah oo ka shaqeeya Midowga Yurub, waxayna ku soo rogaysaa cunaqabatayn dheeraad ah oo gaar ah muwaadiniinta Ruushka, sida ay sheegtay warbaahintu.

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa tilmaamay in dhuumaha saliidda qaada ee Ruushka ay tahay in mar uun iyana la mamnuuco mustaqbalka.

Hadalsame Media