MW Xasan Sh oo loosoo jeediyey talo wax ku ool ah oo waqtiga waafaqsan

0

(Hadalsame) 31 Maajo 2022 – Safarrada MD HSM & ABBAARAHA – Ujeedka safarrada waxa uu Madaxweynaha noogu sheegay:

1 – Salaan
2 – Heshiisiin
3 – Booqasho

Madaxweyne ma jirto meel maanta collaad Soomaaliyeed ka jirto, cid adiga col kula ah na ma aragno

Yaad heshiisiineysaa?

Malaha, waa is jiid jiidkii doorashada!

Madaxwayne, adiga, ergeygaaga abaaraha, madaxda dowlad gobolleedyada iyo beesha caalamka waxa ay qirayaan in abbaaraha isu bedeli rabaan dhimasho baahdan!

Sidaas daraadeed, adiga oo aan lagu caleemo saarin, xukuumaddii dhisin, waa maxay faa’iidada ku jirta in aad maalinba magaalo u safarto?

Madaxwayne, waan ognahay sahayda safar in ay boqolaal kun oo Doollar tahay, fadlan, jooji salaanta farxadeed, oo tamarta, waqtiga iyo lacagtaba ku kaab Abdirahman Abdishakur Warsame bal si loo yareeyo halista nololeed ee ay abaaruhu keeni Karaan.

Adiga, Madaxwayne, salaanta farxadeed telefoonka kula qeybso inta dhiman sida Said Abdullahi Deni, Ahmed Madoobe iyo Ali Guudlaawe.

W; Q: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media

Facebook Comments