Maraykanka oo ballan uga baxay Ukraine kaddib gooddin ka timid Ruushka

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2022 – Maraykanku ma siin doono Ukraine nidaamyada gantaalaha wax ka dila meelaha fog-fog ee awoodda u leh inay gaaraan dhulka Ruushka, sida uu yiri Madaxwayne Joe Biden Isniintii.

Weriyeyaasha ayaa wax ka weydiiyey rajada laga qabo inay hubka noocan ah u daabulaan Ukraine, Biden ayaa se si cad u diidey suurtagalnimadaasi.

“We are not going to send to Ukraine rocket systems that can strike into Russia,” the president said without elaborating.

“Uma diri doonno Ukraine habab gantaalo ah oo ku dhici kara Ruushka,” ayuu yiri Madaxwaynaha Maraykanka oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Todobaadki hore, warbaahin badan oo Maraykan ah ayaa werisy in Aqalka Cadi uu ka fiirsanayo inuu Ukraine u diro nidaamyada gantaalaha M270 MLRS iyo nooca kale ee ka ag dhow M142 HIMARS, kaasoo gaari kara ilaa 500km.

Gantaalaha dhuumaha badan ee M270 Multiple Launch Rocket System (MLRS) iyo M142 High Mobility Artillery Rocket System (HIMARS) waa laba nooc oo ah habka gantaalaha culus ee uu Maraykanku sameeyey kuwaas oo ridi kara noocyada gantaalo kala yara dhumuc wayn oo u shaqayn kara sida madaafiicda goobta.

Hubka horumarsan ayaa Ciidamada Ukraine u ogolaan lahaa inay si qoto dheer u duqeeyaan gudaha dhulka Ruushka oo ay suurtagal tahay in ay bartilmaameedsadaan xitaa magaalooyinka waawayn.

Ku dhawaaqidda Biden ee iminka waxaa soo dhoweeyay Madaxwaynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev, kaasoo sheegay inay sidoo kale “macquul tahay” in laga fogaado in nidaamyadan oo kale la geeyo Kiev.

Horraantii, Safiirka Ruushka ee Maraykanka, Anatoly Antonov, ayaa rajo ka muujiyey in “caqliga saliimka ihi uu guulaysan doono, Washington-na aysan qaadi doonin tillaabadaas xaalad-kicinta ah,” taas oo kaliya horseedi doonta “kasii darista” khilaafka.

Moscow ayaa marar badan uga digtey reer Galbeedka in ay “hub badan ku hafiyaan” Ukraine, iyada oo sheegtay in ay taasi kaliya sii dheerayn doonto colaadda iyada oo aan ugu dambayntii bedelin natiijada, taas oo waxyeello badan u gaysanaysa Ukraine iyo dadkeeda.

Waxa kale oo ay Moscow ku dhawaaqday in kaydadka hubka ah ee ay reer Galbeedku siinayaan dalkaasi ay iyada u yihiin “bartilmaameedyo sharci ah.”

Hadalsame Media