Arrin uu ka khashaafi jirey nidaamkii Farmaajo oo la sameeyey (2 sababood oo loo duray)

0

(Hadalsame) 31 Maajo 2022 – Waxa ay doodi ka joogtaa qoraallo lasoo dhigay degellada warfaafineed ee DF Somali min Madaxtooyo ilaa kuwa Wasaaradda Warfaafinta.

Waxaa qoraalka oo ay xirfad xumo ka muuqatey lagu dhex daray halku-dheggii MW cusub ee Xasan Sh uu ku galay doorashada uu ku guulaystey ee “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.”

Waxaa sidoo kale qoraalka Villa Somalia ka muuqata in aan la xusin magaca iyo sawirka MW KG Somalia, Md Cabdicasiis Lafta-gareen oo indhaha la iskugu qabtay.

Qaasim Cabdulle Neero oo ah weriye ruug caddaa ah aadna u dhaliilsanaa nidaamkii hore ayaa soo qoray sidatan:

“Kooxdii Farmaajo ayaa xataa ka xishootay inay page ka Villa Somalia u isticmaasho xayeysiis siyaasadeed.

“Boggan weli kuma arag iyada oo lagu faafinaayo halkudhiggii kooxda ee ahaa ‘NABAD IYO NOLOL, mana aqaano sababta loogu adeegsaday halkudhigga Ololihii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa ‘Somali heshiis ah, dunidana heshiis la ah’.

“Qolada gacanta ku heysa page kan waxaan leeyahay doorashadii waa dhamaatay, sidaasoo kale xaruntii ololaha doorsshada ee Xasan Sheekh waa lasoo xiray, adinkuna hadda waxaad joogtaan xafiiskii Qaranka looga talinaayey oo aad warbaahintiisii maamushaan ee dhaqankaan guuleadeynta ah deg deg halloo baddalo.” Ayuu kusoo af-jaray Qaasim.

Haddaba, walow aysan wax wayn ahayn sida ay ku doodayaan dadka qaar, sidoo kalena aynaan ridi karin xukun ah inuu arrintan ogyahay ama amray MW cusub ee Xasan Sh., misna cillada jirtaa waxay ka kooban tahay 2 qaybood:

1– Halku-dheggan “Soomaali heshiis ah dunidana la heshiis ah” waa mid shakhsi ah oo uu gaar ah MW Xasan Sh, balse haatan waxaa uu maamulaa xafiis ummadeed oo ay tahay in lagu adeegsado wixii ay ummaddu isku waafaqsan tahay, isagoo dabcan ficil ahaan u gudanaya wixii uu ballanqaaday.

2 – Haatan waa laga gudbey jawi doorasho oo MW Xasan wuxuu xukumaa midkii jeclaa & kii nebcaa, kii doortay iyo kii diidey intaba, marka halku-dhegyo doorasho micne samayn maayaan.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media