Aragti taariikheed muujinaysa in abwaankii madoobaa ee Ruushka soo maray uu Soomaali ahaa (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 31 Maajo 2022 – Inkasta oo taariikhyahanndu ay sheegaan in Ibraahin uu dhashay abbaaraha sanadkii 1696-kii, misana degaanka uu ku dhashay maahan mid si dhab ah loo hubo. Qiyaasta kala duwan ee qiyaasaha taariikhyahanada casriga ah ee heerka akadeemigga lagu xulo, waxay isku raacsan yihiin in wiilkan uu ka yimid bariga Afrika. Aqoon-yahannada Ruushka muddo badan ayay rumeysnaayeen degaanka uu Ibraahin Gaani ka yimid in ay tahay degaan-xeebeed.

Sheekada la xiriirta in uu ka yimid Itoobiya waa arin soo baxdey muddadii uu dalkaas ka talinayay sarkaalkii shuuciga ahaa Gaashaanle Dhexe Mengistu Xalye Mariam. Muddadaas oo u dhexeysey sanadihii 1977-kii iyo 1991-kii, sarkaalkan ayaa Itoobiya wuxuu ku hoggaaminayay hannaan siyaasadeed oo la meereysanayay is-bahaysigii dowladaha bariga. Waxaa hormood ka ahaa Ruushka.

Xilligaas, Ruushku wuxuu xoojiyay dicaayadda ah in Bushkin awoowgiis uu yahay Itoobiyaan. Mengistu Xayle Mariam wuxuu kamid yahay madaxda lagu xasuusto gacmaha dhiigga leh oo xasuuqa ba’an u geystey dadkii ay u talinayeen.

Dowladda Ruushka ah oo xukunkiisa garab-taagneyd ayaa waxay hadiyad uga dhigeysey shacabka Itoobiya in Bushkin asalkiisu yahay Itoobiyaan. Xaqiiqadu waxay tahay Ibraahin Gaani, socdaalka dheer ee uu ku gaaray qasrigii boqorka Ruushka, waa dhacdo hubaal ah oo maahan mid uu shaki ku jiro.

Waxaa kale oo aanan shaki ku jirin noloshiisa wixii ka danbeeyey markii ay noloshiisa la wareegeen qoyskii qaysarka. Laakiin waxaa muran badan la geliyay taariikhda wiilkan xilligii ka horeeyey socdaalkiisa iyo degaanka uu ka yimid. Aqoon-yahanno badan ayaa sahankaas u howl-galay, kuwaas oo meelo kala duwan afka saarey.

Dmitry Anuchin (1943 – 1923) waa aqoon-yahan u dhashay dalka Bella-ruusiya. Wuxuu ahaa dad-barad (Anthropologist), asal-barad (Ethnographist) iyo raad-barad (Archaeologist). Sanadkii 1899-kii, isaga oo xusaya sanad-guuradii 100-aad goortii uu dhashay Bushkin,, ayuu maqaal ka qorey uu kaga waramayo asalka uu ka soo jeedo Bushkin awoowihiis. Wuxuu ku xusey in degmada Laagon ay tahay halka uu ka yimid. Degmadan ayuu ku sheegey in ay dhacdo buuraleyda dalka Eriteriya.

Laba wariyayaal oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa dadaal badan ku bixiyey sahanka degaanka uu ka yimid Ibraahin Gaani. Hugh Barnes iyo Frances Somers Cocks labaduba waxay ku bixiyeen dhidid badan, waxay ku socdaaleen dhul kala dheer, saacado badan ayay u fadhiyeen maktabado badan iyagoo isku dayaya in ay tilmaamaan meesha uu ku dhashay Ibraahin Gaani. Waxay isu-mareen Afrika (Chaad, Itoobiya iyo Eriteeriya), Istanbul, Moosko, St:Petersburg iyo Sibeeriya. Iyagu waxay baadi-goobayeen asalka ina Gaani Baal meesha uu dhacayo.

Weriyaha la yiraahdo Hugh Barnes wuxuu taageerey aragtida xuseysa in Ibraahin uu ka yimid harada Jaad (Lake Chad). Isagu wuxuu u xushey degaanka ay dhacdo degmada Laagoni-Birni. Halkaas oo wariyuhu uu tegey wuxuu kula kulmey suldaanka reeraha Kotooko oo ah qabiilka halkaas ku dhaqan.

Weriye Hugh Barne, ayaa weydiiyey suldaankii erey ka kooban xarfaha ah (Fvmmo), kaa oo uu ka soo miin-guurshey qoraalkii ahaa (Moor of Peter the Great). Suldaankii ayaa ugu fasirey ereygii in macnihiisu uu yahay “dalka”.

Wariyaha isaga oo tix-raacaya fasirkaa uu suldaaka bixiyey, wuxuu ku qancay in degaanka uu ka yimid Ibraahin in uu yahay degaankan. Arintaasi ma elin oo howeyn, waayo markiiba waxaa ka hor-yimid wariyihii kale Frances Somers Cocks oo isaguna booqdey isla-degaankii. Isagu wuxuu halkaas kula kulmey wiilal uu dhalay suldaanka.

Arrin uu wariyihii la yaabay ayaa waxay ahayd, in uu la kulmey wiil kamid ah wiilashii oo magaciisa la yiraahdo Bushkin. Wiilkii uu la kulmey wuxuu ugu turjumey ereygii ahaa (Fvmmo) in macnaheedu yahay nasiib-wacnaan (Fartune). Iyada oo arintu ay sidaas tahay ayaa waxaa jira, qayb kamid ah qabiilka qabiilka kotooko pp ku dhaqan dalka Nayjeeriya. Sidaas ayaa aqoon-yahanno u dhashay Nayjeeriya ay iyaguna u bilaabeen sheegashada wiilkan.

Sahamadan casriga ah ee lagu baadi-goobayo degaanka uu wiilkan ka soo jeedo, waa fagaarea y ka maqan yihiin aqoon-yahannada Soomaaliyeed. Isla-markaas dadaalka ay dowladaha nala deriska wadaan si ay u xalaaleystaan taariikhda wiilkan maahan mid soo jreen ah ee waa mid dhowaan bilaabatay. In waddooyin lagu magacaabo oo caruurta loola baxo oo taallooyin loo dhiso, intuba waa tartan lagu doonayo in lagu kala adkaado sheegashadan.

Laakiin waxaanan shaki ku jirin in qoraalladii hore ee Ruushka in ay ku caddahay in wiilkan laga qafaashay xeebaha badda cas ee bariga Afrika. Tilmaanta fiisikada muuqaalkiisa kore ee wiilku leeyahay waxay tilmaamaysaa in uu Soomaali yahay.

Fahmadda badan oo ay fir-fircoonida weheliso iyo geesinimada ay dagaal-yahannimada weheliso iyadana waa tilmaan ay soomaalidu hiddo u leedahay. Waa ay haboonaan lahayd, inta xaqiiqada la gaarayo, in Soomaalidu ay u xusul-duubaan ka qayb-qaadashada sahanka arintan oo ciddii xalaalaysata ay gacanta ku dhigeyso hanti qiimi badan.

La soco qayb 3-aad…

Qore: Dr. Saadiq Enow

E-mail: [email protected]

Hadalsame Media

 

Facebook Comments