Ukraine oo lagu garaacay gantaalo sambabbada banjarinaya (Daawo mowjadaha ka dhalanaya qaraxiisa)

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2022 – Waxaa ay muuqaallo cusubi kasoo baxayaan hannaanka TOS-2 oo lagu naanayso Tosochka oo iminka isagoo casri ah Ukraine la geeyey kaasoo u kala baxa TOS-1 iyo TOS-1A.

Midkan cusub ee TOS 2 Tosochka wuxuu dul saaran yahay gaari ah nooca Ural-63706-0120 oo gadaal ku leh laba taayar oo kala dambeeya, wuxuuna shirka ku leeyahay gaashaan ka celinaya rasaasta fudud, isagoo halkaa ku leh qayb laga ridayo gantaalahan oo ah 220mm islamarkaana laga shiisho.

Muuqaalka soo baxay ayaa loo badinayaa inuu yahay nooca sii cusub ee gantaal ridahan Ruush-sameega ah oo isaga dhami soo baxay 2020.

Hubkan oo lagu xiro madaxyo aad u holca ayaa waxaa gudihiisa ku jira aaryo iyo shidaal marka ay isla fal galaan ogsijiinka ka nuugaya gacanka ku wareegsan bartilmaameedka lagu duqeeyo, taasoo keenaysa inuu sambabka ka banjaro ama dhiig-bax gudeed uu ku dhaco qofkii ka ag dhow meesha uu ku dhaco xitaa haddii uu qaraxa iyo firirka ka badbaado.

Waxaad taa ka garan kartaa muuqaalkan iyo sida ay qaraxiisa uga dhalanayaan mowjado wareegsan oo xoog badan.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media