TAARIIKH DHACDAY: Sidii ay Muqdisho ugu jeesjeestay Tataarkii soo gubey magaalooyin badan

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2022 – Xadaaraddii Shiinaha waxa ay ahayd mid xiriir qota dheer la leh dalalka dhaca Badweynta Hindiya iyo Badda cas.

Doonyaha Shiinaha kasoo shiraacda waxa ay baroosinnada dhigan jireen dhulkii Punt ama hadda loo yaqaanno Soomaaliya.

Caleenta shaaha, dharka, maacuunta, xariirta iyo agabyo kale ayay keeni jireen, halka iyaguna ay safarsan jireen dahabka, fooxa, dameer-farowga, malmalka, geriga, fool-maroodiga, luubaanta iyo waxa la midka ah sida uu buuggiisa The Origins and Development of Mogadishu AD 1000 to 1850 ku sheegay qoraaga Soomaaliyeed Axmed Ducaale Jaamac oo cilmi baaris qoto-dheer ku sameeyay asalka iyo hanaqaadka taariikhda magaalada Muqdisho laga billaabo 1000 sano kaddib dhalashadii Nebi Ciise illaa 1850-kii.

Saldanaddii Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa ay ahayd magaalo ilbaxnimo iyo xadaarad lagu sheegay sida ay soo weriyeen dhulmareennadii booqday. Kasoo billow qoraaga aan la aqoon ee buugga The Periplus of the Erythraean sea illaa juqraafiyahannadii Carbeed ee tegay Muqdisho qarniyadii dhexe.

Sida taariikhdu weriso Muqdisho iyo guud ahaan magaalooyinka xeebaha Soomaaliya waxaa si weyn u saameeyay dumitaankii biyo-xireenka Ma’rib, kaas oo sababay in bulshooyin badan oo reer Yemen ah ay u soo qaxaan dhulka xeebaha Soomaaliya.

Wixii markaas ka dambeeyay waxaa sameysmay ganacsiyo heer caalami ah, kuwaas oo ay hoggaaminayeen bulshadii timid iyagoo soo jiitay ganacsatadii Hindida iyo Iiraantii hore.

Sida laga dheehan karo kutubta taariikhda, Muqdisho waxa ay noqotay magaalo bulshooyin kala duwan martigelisa, saldhigna u noqotay ganacsiga gobolka Geeska Afrika.

Qarniyadii 10-aad iyo 13-aad waxaa magaalada Muqdisho maamulayay Saldanaddii Muqdisho, ka hor inta aysan ku milmin boqortooyadii Ajuuraan oo ahayd boqortooyo xoog badan oo ka talineysay dhulka Soomaalida wakhtiyadii dhexe.

Saldannada Muqdisho waxaa bud dhiggeeda lahaa sulaaladii ama qoyskii Fakhruddiin oo ahaa qoys Soomaali ah kuwaas oo asalkoodu Carab ahaa.

Taariikhda Soomaaliya

Salaaddiintii ugu magaca dheeraa waxaa ka mid ah aasaasihii saldanaddaas, Abubakar Bin Fakhruddiin. Halka Suldaan Abu Bakr Ibn Cumar uu ahaa isna suldaankii ugu caansanaa maaddaama uu ahaa Suldaankii Muqdisho ku qaabbilay dhulmareenkii reer Marooko ee Ibnu Batuuta, sida uu isla Ibnu Batuuta ku sheegayo buuggiisa.

Nuuraddiin Xaaji Shiikheey oo ah Injineer iyo taariikhyahan buugaag badanna ka qoray taariikhda aasaarta magaalada Muqdisho ayaa buuggiisa Sahminta magaalada Qaddiimka ah ee Muqdisho (Exploring the Old Stone Town of Mogadishu) ku sheegay in dharka Alindiga ee lagu sameeyo Xamar laga xiran jiray aroosyada Yemen, sidoo kalena loo iib geyn jiray Masar, Hindiya illaa Shiinaha, waxaana ku xardhanaan jiray astaamo muujinaya in lagu soo sanceeyay Muqdisho.

Duullaankii Tataarka

Xilliyadaas ay Muqdisho cirka mareyso oo ku aaddan inta u dhexeysa qarniga 11-aad illaa qarniga 13-aad waxaa dunida aafeeyay dagaallo aan dhammaad lahayn haba ugu darnaadee kii ay soo qaadeen Tataarkii Mongolia.

Duullaankii Tataarka oo billowgiisa uu hoggaaminayay hoggaamiyihii weynaa ee Mongolia Genghis Khan ayaa xooggiisa kasoo billowday Bariga fog illaa markii dambe uu xoog u saameeyay Bariga dhexe iyo dhulka ku hareereysan.

“Boqorrada Tataarka waxa ay aaminsanaayeen in dunidu yeelato hal awood oo u talisa, muddo yar ayay ku qaadatay in ay qabsadaan ka billow Shiinaha iyo Jabbaan ilaa Poland. Ma aqoon ballanka, haddii ay dowlad ballan la gasho waxa ay raadin jireen sabab kasta oo ay ballankaas ku buriyaan, waxa ayna uur-ku-taallo ku reebeen shucuubtii ay qabsadeen,” Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun ayaa yiri xilli uu ka sheekeynayay muxaadaro ku saabsan taariikhda Tataarka.

Sida ay taariikhyahannadu weriyaan badanaa dhulka ay Tataarku rabaan in ay ku duulaan waxa ay u diri jireen sahmiyeyaal magac ganacsato huwan oo soo xooraansada dowladda markaas lala maaggan yahay duullaanka. Xogta ay bixiyaan sahmiyeyaashaas ayuu Tataarku ku duullaan tagi jiray.

Kubla Khan

Boqorkii Kublai Khan (Khublay Khan) ee uu awoowga u ahaa Genghis Khan ayaa la wareegay in badan oo ka mid ah dhulka Shiinaha, waxaana uu aasaasay boqortooyadii Yaun 5-tii November 1271-kii.

Tan iyo qabsashadiisa Shiinaha Kublai waxaa uu sii waday duullaankii Tataarku ku hayay dhulkii weli u harsanaa.

Muqdisho iyo basaasiintii Tataarka

Maaddaama xiriir ganacsi uu ka dhexeeyay bulshada Shiinaha iyo tan Soomaalida boqor Kublai waxaa uu ka fekeray in uu calaaqaad la yeesho Saldanaddii Muqdisho.

Sida uu werinayo dhulmareenkii reer Venice (Venetian) Marco Polo, boqor Kublai Khan ayaa u diray suldaankii Muqdisho wafdi huwanaa magaca ganacsato hase yeeshee, basaasiin ahaa kuwaas oo kasoo warbixinayay dhulka Soomaalida gaar ahaan Saldanadda Muqdisho.

Wafdiga markii ay soo gaareen Xamar waxaa loo taxaabay xabsiga iyagoo lagu tuhmay in ay yihiin basaasiin. Taariikhyahannadu waxa ay aad u taxliiliyaan heerka uu la ekaa sirdoonka Soomaalida, maaddaama ay durba gacanta ku dhigeen basaasiintaas loo ekeysiiyay ganacsatada.

Waxaa loo badinayaa in suldaanka Muqdisho uu aad ula socday isbedbeddelka hoggaaneed ee Shiinaha ka jiray iyo in Mongooliyiinta uu Tataarku hoggaaminayay ay dumiyeen boqortooyadii sulaaladii Song ee ka jirtay Shiinaha ka hor inta uusan Kublai afgembin oo uusan aasaasin boqortooyadii Yuan.

Saldanadda Muqdisho iyo suldaankoodiiba waxa ay hoosta ka xariiqeen danaha uu lahaan karo boqor Kublia Khan oo ay u arkayeen hoggaamiye dhul balaarsi ku fekeraya, taas waxa ay keentay in xabsiga la dhigo ganacsatadii basaasiinta ahaa ee ka socday dowladdii Yuan ee hoostageysay Tataarka.

Saldanaddii Muqdisho iyo boqortooyadii tataarka

Aad ayuu boqor Kublia Khan uga carooday warka sheegaya in la xiray basaasiintiisii, waxaana uu goostay in mar kale uu wafdi canaan iyo digniin wada u diro Muqdisho.

Sida uu Marco Polo werinayo boqor Kublia ayaa mar kale u diray Muqdisho wafdi fariinta ugu weyn ee ay sidaan ay ahayd in shuruud-la’aan loo sii daayo ragga u xiran Saldanadda Muqdisho.

Hase yeeshee, Suldaankii Muqdisho oo qab-jebinaya boqorka Tataarka ah ee Kublia ayaa mar kale xabsiga dhigay wafdiga labaad taas oo xaaladda sii cakirisay.

Wufuudda Kublia uu u soo diray Muqdisho waxa ay ahaayeen wufuuddii ugu horreysay ee noocooda ah oo uu hoggaamiye ka tirsan Tataarka u soo diro gobolka Geeska Afrika. Hase yeeshee, Saldanaddii Muqdisho oo tuhunsaneyd damaca Tataarka ayaa hor istaagtay sifo kasta oo uu Tataarku isugu fidin lahaa Afrika, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika sida uu mar kale ku doodayo Marco Polo.

Sanadkii 1368 ayay duntay boqortooyadii Tataarka ahayd ee Yuan ee ka talineysay carriga Shiinaha, waxaana talada la wareegay sulaaladii Ming iyagoo aasaasay boqortooyadii Ming.

Muddo kaddib caadi ayuu ku soo noqday xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya. Waxaa u suurtagashay Saldanadda Muqdisho in ay xiriir wanaagsan la yeelato boqortooyadii Ming ee markaas uun la wareegtay talada Shiinaha.

Ganacsiga labada dhinac ayaa sare u kacay. Shiinaha waxa ay Soomaaliya ka daabbulan jireen geriga, gardaha, fooxa, dameer-farowga, iwm.

Halka ganacsatada Soomaalida ahna ay Shiinaha ka keensan jireen xawaashka, maacuunta, hubka, iwm. Sidoo kale, waxaa ay dunida inteeda kale u dhoofin jireen xilligaas dharka alindiga ee lagu farsameeyay magaalada Muqdisho.

BBC

Hadalsame Media