Ruushka oo lagu eedeeyey inuu ku kacay arrin uu ku sumcad beeli karo (Sawirro dayax-gacmeed)

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2022 – Sawirro cusub oo lagu qaaday Dayax-gacmeedka Maxar ayaa muujinaya in markab laga leeyahay dalka Ruushka oo sida Qamadi iyo xabuub kale oo la sheegay in laga soo xaday beeralayda Ukraine uu soo gaarey Dekedda Latakiya ee dalka Suuriya, sida uu sheegay CNN.

Sawirrada uu soo bandhigay Dayax-gacmeedka ay leeyihiin Maxar Technologies oo waxa ay muujinayaan markabka Matros Pozynich oo ku xiran khoorka Dekedda Latakia Maajo 27-kii.

Sida laga soo xigtey hilinka liberaalka ah ee CNN, Pozynich waa mid ka mid ah 3 markab oo “raashin bililiqo ihi ku raran yahay” kaasoo ay ka daabuleen Dekedda Sevastopol ee jasiirad u ekaha Crimea tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine.

Markabkan oo markii ugu dambeysey lagu arkay isagoo ku xiran Dekedda Sevastopol 19-kii Maajo ayaa markii dambe ee la raadiyey lagu arkay xeebaha dalkaasi Turkiga.

CNN ayaa hore u baahiyey in kolonyo baabuur ah la arkayey iyagoo raashinkan kasoo qaadaya beero, kaydad haamo ah iyo bakhaarro waawayn ku yaal koonfurta Ukraine iyagoo u daabulay Crimea.

Nidaamka Ukraine ayaa horraantii bishan ku qiyaasay in Ciidamada Ruushka ee ku sugan goobaha ay qabsadeen ay bililiqaysteen raashin ka badan 400,000 oo tan oo qamadi u badan.

 

Hadalsame Media