Ruushka oo cawaaqibkii ugu xumaa uga digey Maraykanka (Tillaabo ay khad cas u arkaan)

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2022 Khatarta sii kordhinta iskahorimaadka Ukraine ayaa si wayn uga sii dari doontaa haddii Maraykanku uu kyiv siiyo nidaamyada gantaalaha riddada dheer dhuumaha badan leh, sida uu ka digey Danjirahaa Ruushka ee Maraykanka, Anatoly Antonov. Mar sii horreeysey, dhowr warbaahin oo Maraykan ah ayaa sheegay in maamulka Biden uu farsamo ahaan ogolaaday in hubkaa la siiyo Kyiv.

Mar wax laga waydiiyey arrintan, Antonov waxa uu markii hore sheegay inay tahay in marka hore la xaqiijiyo, maadaama ilaa iyo hadda aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Maraykanka.

Safiirka ayaa se rajo ka muujiyey in “caqliga saliimka ihi uu guulaysan doono, oo aanay Washington qaadi doonin tillaabadaas daandaansiga ah,” isagoo intaas ku daray in isaga iyo asxaabtiisa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ay marar badan uga digeen hoggaanka Maraykanka in “hubka aan horay loo arag ee lagu hafinayo Ukraine” ay si aad ah u kordhinayso khataraha sii hurinta colaadda.”

Antonov wuxuu intaa raaciyey in haddii wararka warbaahintu ay run yihiin, maamulka Biden-na uu doonayo inuu Ukraine u diro nidaamyada M270 MLRS iyo M142 HIMARS, ay millateriga Ukraine ay awood u yeelan doonaan inay weeraraan magaalooyinka Ruushka – taasoo uu ku tilmaamay mid aan laga aqbali karin dhanka Moscow oo cawaaqib xumo keeni doonta.

Hadalsame Media