Aragti taariikheed muujinaysa in abwaankii madoobaa ee Ruushka soo maray uu Soomaali ahaa

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2022 – IBRAAHIN GAANI WAA WIILKAYAGII – Magaalada Saint Petersburg oo horey u ahaan jirtay (Leningraad) waxay dhacdaa daamanka webiga Neva, bariga gacanka Baltiga ee Finland. Waa magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ruushka waana caasimadii hore oo ay fadhiyi-jireen qaysarradii ka talin jiray dalkaas. Sidoo kale waa magaalada afaraad ee maanta ugu weyn qaaradda Yurub iyo dekedda ugu muhiimsan ee dhacda badda Baltikada. Degmada waxaa aasaasay laguna magacaabay qaysarkii waynaa ee la oran jirey (The Great Tsar) Peter Alexandrovich (1682 – 1725).

Qaysarkan oo ah ninka ugu taariikhda wacan qaysarrada Ruushka, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ninka dhisey dowladda casriga ah ee Ruushka. Isagu wuxuu u soo dhiciyay Ruushka degaanka xeebta badda ee Baaltiga, kadib nus qarni oo boqrtooyada Sweden ay ka heysatay Ruushka. Turkiga wuxuu kula dirirey degaanka bariga badda Madow, halkaas oo uu ka qabsadey.

Biiterka Wayn, waa qaysrka dhisey degmada Peterburg markii uu degaanka ka xoreeyey ciidamadii Boqor Gustavkii 12-aad ee Swedishka ahaa. Isla-markaas wuxuu degmadii cusbeyd u doortey magaalo-madax. Maanta degmada waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah xarumaha dhaqameed ee ugu weyn Yurub, taas oo leh matxafyo badan, masraxyo badan iyo taallooyin muhiim ah oo taariikhi ah. Muddo dheer magaaladu waxay ahayd xarun dhiiri-gelisa qorayaal badan oo caan-baxay, kuwaas oo ka soo jeeda ummado kala duwan. Qoraallada lagu sameeyey magaalada, laakiin aanan caan-bixin waxaa kamid ah sheekada la magac baxdey God-dhaca Biiterkii waynaa (Moor of Peter the Great). Waa sheeko taariikheed oo ka hadlaysa wiil Soomaali ah oo la yiraahdo Ibraahin.

In-kasta oo taariikh-yahannadu ay muran-geliyaan dhalashadiisa, misana weli ma-jiro isku-dey sahan iyo cilmi-baaris ay aqoon-yahanno Soomaaliyeed u tafa-xeyteen si ay u xaqiijiyaan dhalashada wiilkan. Sheekadan lagu xusayo Ibraahin Gaani Baal, markeedii ugu horeysey waxaa la daabacay muddo laga joogo 250 sano. Waxay ahayd xilli ay sagaal sano ka soo wareegtey geerida wiilkii qorey sheekadan. Buugan lagu magacaabo (Moor of Peter the Great), waa tiraab uu reebey suugaan-yahanka wayn ee u dhashay Ruushka Aleksander Bushkin. Isagu waa abwaanka ugu maansada badan uguna xikmadda badan suugaan-yahannada ku gabya afka Ruushka. Aleksander Bushkin wuxuu sheekadan kaga waramayaa awoowihiis Ibraahin Gaani Baal.

Ibraahin oo rag ciidamo ah ay soo af-duubteen isaga oo wiil yar ah, si wanaagsan uma uusan xusin degaanka uu ka soo jeedo. Wuxuu ku sheegey degmo Afrika kamid ah oo lagu magacaabo Lagon. Aqoon-yahan u dhashey dalka Beniin oo la yiraahdo Dieudonne Gnammankou, ayaa isaga oo tix-raacaya magaca degmada Lagon wuxuu ku soo biirey sheegashada wiilkan Soomaaliga ah in uu ka yimid dalka Kameroon. Waxaa jira degmo lagu magacaabo Lagoni-Birni ee dhacda waqooyiga dalka Kameroon. Magaaladan oo la asaasey qarnigii 18-aad, ayaa waxay dhacdaa daanta galbeed ee webiga Lagon. Biyaha webiga Lagon waxay xuduud u yihiin labada dal ee kala ah Kameroon iyo Jaad.

Waxaa xusid mudan, ra’yigan sheegaya Ibraahin Gaani in uu yahay wiil ka yimid galbeedka Afrika waa ra’yi dhowaan la curiyay. Dieudonne Gnammankou, waa ganacsade, taariikh-yahan ah, iskuna turjuma luqado dhowr ah. Isagu sanadkii 1996-kii ayuu soo bandhigey aragtidan uu magaca degmada u daliishanayo dhalashada wiilka ina Gaani Baal ah. Isu-ekaanshaha magaca degmadan iyo degmada lagu xusey buugga (Moor of Peter the Great), maahan mid qiil u bixineysa mala-awaalka in Ibraahin Gaani uu ka yimid Kameroon. U dhalashada Ibraani Gaani galbeedka Afrika, qodobada diidaya waa ay badan yihiin.

Waxaa kamid ah, magaalada Lagoni-Birni waa magaalo ka fog xeebta bad-waynta Atlantika oo degmadu waxay dhcdaa gudaha dalka Kameroon, gaar ahaan xuduuddeeda waqooyi. Xeebta dalka Kameroon waxay dhacdaa bad-waynta Atlantika, taas oo ku sii-jeedda qaaradda Laatiin Ameerika. Isla-markaas, degaankaasi maahan degaanadii uu gaarey maamulka boqortooyadii Cismaaniyadda.

Waxaa kale oo arinkaas diidaya muuqaalka Ibraahin uu lahaa iyo duriyaddiisaa, kaas oo aanan ahayn mid u muuqaal eg dadka ku dhaqan galbeedka frika, bal iska-lahaa muuqaalka dadyowga ku dhaqan geeska Afrika. Sida ka muuqata sawir-gacmeedyada lagu matalay iyo kuwa laga xardhey duriyaddiisii faracii koowaad iyo faracii labaad, intuba waxay tilmaamayaan in uusan ahayn wiil k yimid galbeedka Afrika. Waxaa kale oo iyana jirta dhaqanka iyo fir-fircoonida wiilkaas, gaar ahaan markii uu ku biirey saraakiisha ciidamadii boqortooyada iyo dagaalladii badnaa ee uu ka qayb-galay oo uu ku gaarey darajada Sareeye/Gaas (Maijor Generaal), waxay astaan u tahay dagaal-yahannimada lagu-yiqiin Soomaalida. Haddii la eego degmada uu ku dhashay, iyada oo aanan dadaal dheer lagu bixin, waxay noqon-kartaa degmada Laas-qorey oo ay u badan tahay in wiilka yar ay maskaxdiisa ka tir-tirantay magacii saxa ahaa. Dabadeed ay ku hartay magac u dhow oo ah Laagooni.

La soco qayb kale….

W; D: Dr. Saadiq Enow
E-mail: saadiqm1000@gmail.com

Hadalsame Media