Finland oo dayuuradaha ugu casrisan u diraysa gobol xad la leh Ruushka (Moscow oo ay midi murug ku hayso)

0

(Helsinki) 29 Maajo 2022 – Dowladda Finland ayaa qaybtii ugu horreeysey ee diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee Maraykanka gayn doonta gobolka woqooyi ee ee Lapland, marka Helsinki ay hesho diyaaradahaasi 4 sano kaddib, sida ay shaaca ka qaadeen Ciidamada Cirka ee dalkaasi.

Sarreeye Guuto, Juha-Pekka Keränen, Taliyaha Ciidanka Cirka ee dalkan woqooyiga Yurub, ayaa sheegay in “F-35 marka hore lagu qalabayn doono Ciidanka Cirka ee fadhiya Rovaniemi oo ka tirsan sanadka 2026.”

Saldhig-cireedkan laga hadlayaa waxa uu yaal 7 kiiloomitir woqooyiga magaalada Rovaniemi, oo ku taal Cirif-qaboobaha Arctic-ga, waana saldhigga woqooyi ugu xiga Finland ee ay yaallaan diyaarado dagaal oo uu dalkani leeyahay.

Bishii Diseembar 2021-kii, Helsinki waxay ku dhawaaqday go’aankeeda ay ku iibsatey raxan ka kooban 64 xabbo oo F-35 ah oo ah diyaaradaha dagaalka ee raadaarka ka dhuunta si ay ugu beddesho raxanta F/A-18 Hornets ee gabowdey.

Raxanta F-35 ee ugu horreeysa ayaa la filayaa inay yimaadaan Rovaniemi sanadka 2026-ka, iyadoo inta soo hartayna ay halkaa ka howlgeli doonaan 2030-ka.

Haddii codsiga Finland ee ku biirista Gaashaanbuurta NATO, oo Helsinki ay gudbisey Maajo 17, la ansixiyo, tirada F-35 ee isbahaysiga millateriga ee woqooyiga Yurub ayaa si wayn u kordhin doonta, maadaama Norway oo xubin ka ah NATO ay horey u heshay 34 ka mid ah 52 diyaaradood oo cusub oo u dalbanaa.

Halka inta badan dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee F-35 ee Norway ay ku sugan yihiin saldhigga cirka ee Orlandet ee koonfurta dalkaasi, dhowr diyaaradood ayaa uu saldhigoodu yahay woqooyiga Cirif-qaboobaha Arctic Circle, gaar ahaan Saldhiga Cirka ee Evenes, taas oo qayb ka ah ciidamada Jawaabta Deg Degta ah bixiya ee NATO (QRA).

Maalintii Khamiistii, laba diyaaradood oo F-35 ah ayaa ka duulay saldhiggaasi si ay u qabtaan laba diyaaradood oo Ruushku leeyahay oo dul heehaabayey Badda Barents Sea, kuwaas oo aan ku soo xadgudbin hawada Norway, sida ay Ruushku ku doodayaan.

Haddii dayuuradaha F-35-ta ee Finnish-ka ee uu fadhigoodu yahay saldhigga Rovaniemi ay sidoo kale noqdaan qayb ka mid ah ciidamada isbahaysiga ee QRA, waxay ku qaadan doontaa waqti aad uga yar kuwa Norway si ay u qabtaan diyaaradaha millateriga Ruushka ee ay dhici karto ah inay duulaan galbeedka Jasiiradda Kola.

Suurtagalnimo noocaas ah, ayaan se si kastaba ha ahaatee ahayn mid hubban, waxaan F-35-yada Finnish-ka loo xilsaari karaa ilaalinta xuduudka dhuleed ee jiidan 1,340 kiiloomitir ee uu dalkaasi la wadaago Ruushka.

Hadalsame Media