Arrin laga yara qurxoon yahay oo looga digayo Soomaalida Turkiga

0

(Ankara) 30 Maajo 2022 – Soomaalida iyo Turkey ayaa wadaaga taariikh soo taxnayd 500 oo sanadood ka badan tan iyo waayihii Cusmaaniyiinta, iyadoo uu Turkigu taageero siin jirey dagaalladii gobannimodoonka ahaa sida kii Daraawiishta, sida beri dhowayd lagu qoray Daily Sabah.

Masaajiddo ay Cusmaaniyiintu dhiseen ayaa ku yaalla min Berbera ilaa koonfurta dalka, iyadoo ay taasi keentay in ay labada dal yeeshaan saamayn dhaqan maadaama ay isku diin yihiin.

Wargayska ayaa qoray inay Soomaali badani Turkiga ku nooshahay kuwaasoo ka kala yimid Somalia iyo qurbaha, waxaana ku jira xirfadlayaal sida dhakhaatiir, injinneerro, macallimiin, ganacsato, weriyeyaal iyo dadka hay’adaha samafalka, kuwaasoo aad looga heli karo Ankara iyo Istanbul.

Yeelkeede, waxaa sidoo kale jira wargaysyo iyo gayfanayaal waddani ah oo iyaguna faallooyin aan sida kuwa Daily Sabah u togan ka qorin Soomaalida oo ay ku tilmaamaan “duul aan nidaam lahayn oo kusoo qamaamay” Turkiga.

Ankara, ayaa ka mid ah meelaha aadka uga jaban Istanbul oo ah magaalo dalxiis oo aad qaali u ah, sidaa darteed, waxay Soomaalidu door bidaan Ankara, iyadoo ay jidadka Kızılay, Sümer 1 iyo Sümer 2 ay ku dhowaad isu bedeleen ”Somalia yar”, iyadoo laga furay ganacsiyo badan, sida lagu qoray Anadolu.

Haddaba, Soomaalida ayaa la farayaa inay taxaddaraan oo iska daayaan jidad istaagga, qaylada badan, guryaha laga ijaaro oo ay qaarkood jajab iyo waxyeello u gaystaan.

Mar aan horraantii 2019-kii tegey Ankara waxaan la yaabay Soomaali aad u fara badan oo camal la’aan u taagnayd faras magaalaha Kizilay oo ah degmo ganacsi.

Marka aan sidaa yeelahay kama wado in aan Soomaalida gaar u eedeeynayo laakiin waxaan uga digayaa waxyaabaha lagu nici karo haddii mar bulsho muxaafid ah oo bartood yaqaan ah islamarkaana waddani u ah sida dadka Turkigu ay ku shuufaan oo ay kuu arkaan ummad qallafsan oo sirgaxan oo lagu rajiimiyo.

Beri dhexdeer ah waxaa aad u faafay muuqaalka nin Turki ah iyo haweeney Soomaali ah oo is dagaalaya, qofkii gar daranba ma aha muuqaal caawinaya qadiyadda Soomaalida oo ay awalba fara badani ku foogganaayeen. Kuna darsoo haddii gacan ka hadal dhaco xeerarka magaalooyinka inta badan yaa gar darnaa la isma waydiiyo.

Sawirkan hoose waxaad ka arki kartaan Soomaali saaran tareen magaalo (Metro) oo Turkiga ah oo aad moodayso inaan tareenkaba lala saarnayn, dabcan khalad maaha waxaase qurxoon in la kala yara dhuunto oo bulshada lagu milnaado, waayo haddii aad adba bas kasta oo Muqdisho, Hargaysa ama Kismaayo maraya aad 50 Ruush ah ama Turki ah ku aragto waad aamini lahayd in dalkii la qaatay.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media