XOG: Fahad Yaasiin oo kusoo noqon kara Baarlamanka 11-aad (Maxaa soconaya?)

0

(Muqdisho) 29 Maajo 2022 – Ilo ku dhow dhow Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka ee FEIT ayaa sheegaya in Guddigu ku howllan yahay qorshe ku aaddan inuu saacadaha soo socdo uu fasaxo Kursiga #HOP086 oo uu horay doorashadiisa u hakiyey.

Kursigan ayaaa waxaa horay ugu soo baxay Agaasimihii hore ee Fahad Yaasiin oo haatan la sheegay inuu ku sugan yahay Turkiga.

Xogo hoose ayaa sheegaya in wada hadallo hoose oo labadii maalmood ee la soo dhaafay u soconayey xubno ka tirsan Guddiga FEIT iyo ergo ka socotey Fahad Yaasiin, si ahaan la isku af gartay haatanna ay marayaan meel gebageba ah.

Guddiga FEIT oo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Max’ed X Rooble ayaa horay ugu guulaystay in la baabi’iyo natiijadii kursigan #HOP086.

Fahad Yaasiin ayaana sidaa darteed qaadan kaarka aqoonsiga Xildhinaannada (ID) iyo shahaadada ay bixiyaan FEIT, taasoo ay sidoo kale ka dhalatay in aanu ka qaybgelin doorashooyinkii kala duwanaa ee Guddoonka Golaha Shacabka, Aqalka Sare yo tan Madaxwaynaha oo la qabtay 15-kii Maajo.

Lama hubo weli xaqiiqada hadalkan, balse waa ilo xooggan lamana oga xeerka iyo sababta keenaysa in go’aankii hore uu bedelo guddigu.

Hadalsame Media