Sidee hobseed ku noqday goolkii xalay laga diidey Karim Benzema?! (Arag sharciga)

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2022 – Hadal haynta ugu badani waxay ka taagan tahay goolkii xalay laga diidey kooxda Real Madrid oo si kastaba hanatay koobka UEFA Champions League markii ay tuntay Liverpool.

Karim Benzema ayaa u muuqdey inuu goolasha u aftaxay Real Madrid ciyaartii Stade De France balse waxaa farxaddaa ka dardaray calan-walihii ciyaarta waxaana ku raacay garsoorihii kaddib tashi waqti qaatay oo lagu hubinayey VAR.

Goolka Benzema ayaa sax u ekaa sida ay u qaateen in badan oo ka tirsan bahda ciyaaraha, balse waa saxnaayeen garsooraha Faransiiska ah ee Clement Turpin iyo kooxdiisa VAR ee goolkaa inkiray.

Benzema wuxuu ka dambeeyey Alison in yarna wuxuu ka horreeyey daafaca Virgil Van Dijk balse taasi waxay ka dhigaysaa nin hobseed ku jira marka xeerka la eego, tiiyoo uu Andy Robertson si wanaagsan uga horreeyo.

Marka duruufaha caadiga ah la eego, hobseed ma ahaateen waayo kubadda waxaa soo weeciyey Fabinho oo kusoo aaddiyey wadiiqadii Benzema.

Yeelkeede, xeerka hobseedku wuxuu dhigayaa inay ugu yaraan 2 laacib oo kooxda kale ee lidka ihi (Liverpool) ay tahay inay u dhexeeyaan kubadda iyo goolka marka uu weerarku kubadda helayo baaskuna waa inuu yahay mid loogu tala galay, taasoo meesha ka baxaysa waayo kubadda Fabinho waxaa loo tixgelinayaa mid aan kas ahayne soo weecatay (deflection).

Hadalsame Media