Ruushka oo hub nooc cusub ah ku biiriyey dagaalka uu ka wado bariga Ukraine & sida uu u shaqeeyo + Sawirro & Muuqaal

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2022 – Wacaal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS, Ruushka ayaa Ukraine u daabulay hannaanka TOS-2 Tosochka oo ah jiilka ugu dambeeyey gantaal tuurahan oo u shaqeeya sidii holac tuure gantaal ku xiran.

Halkan hoose ka daawo noocii hore.

Ciidamada Ruushanka ayaa dagaalka bariga Ukraine iskugu geeyey hubkii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen sida tawaangida T-90M iyo BMPT oo isna ah taangi mar qura dhowr bartilmaameed holac ku xiri kara oo duqayn kara, haatanna waa hannaanka TOS-2.

Hannaankan ayaa caadiyan loogu tala galay inuu ololiyo bartilmaameedyada muhimka ah ee  cadawga ee ku yaalla magaalooyinka, dhufaysyada aasan ee qotada dheer, iyo dusmooyinka. Waxaa gantaalahan ka buuxa aaryo iyo shidaal isku darsan kuwaasoo marka la qarxiyo abuuraya kulayl aad u wayn iyo cadaadis ba’an oo soo nuugaya ogsijiinka ka dhow agagaarka uu ku dhaco.

TOS-2 oo lagu naanayso Tosochka ee iminka halkaa la geeyey waa isla noocii hore oo lasii casriyeeyey wuxuuna sidoo kale leeyahay taayarro halka uu midkii hore oo lasoo bandhigay 2020-kii uu silis lahaa gaariga sida, waxaana uu kala ahaa TOS-1 iyo TOS-1A.

Midkan cusub ee TOS 2 Tosochka wuxuu dul saaran yahay gaari ah nooca Ural-63706-0120 oo gadaal ku leh laba taayar oo kala dambeeya, wuxuuna shirka ku leeyahay gaashaan ka celinaya rasaasta fudud, isagoo halkaa ku leh qayb laga ridayo gantaalahan oo ah 220mm islamarkaana laga shiisho.

Hadalsame Media