Dal Muslim ah oo soo bandhigay wax ka badan 100 daroon oo heegan ah oo ku jira dhulka hoostiisa + Sawirro

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2022 – Dalka Iran ayaa daaha ka qaadday inay leedahay saldhig milliteri oo qara wayn oo dhulka hoostiisa ah oo ay ka buuxaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee oo ku jira god qarsoodi ah oo ka hooseeya silsilado buuraley ah.

Godkan gunta dheer ee gudaha ka dhisan oo lagu arkayo saraakiisha millateriga oo isticmaalaya baabuur yar yar si ay u wareegaan, waxa uu u egyahay hoyga laadarka film-silsiladeedka James Bond.

Ciidamada Iran ayaa woxoogaa faahfaahin ka bixiyey, balse ma aysan sheegin halka ay dhab ahaan ku sugan yihiin ama saldhiga qarsoodiga ihu uu ku yaallo, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisad ka taagan meelo uu ka mid yahay Khaliijku.

TV-ga Qaranka ayaa se sheegay in 100 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ay ku jiraan bartamaha buuraleeyda Zagros, kuwaas oo ay ku jiraan nooca Ababil-5, oo ay ku rakiban yihiin gantaalaha Qaem-9, oo ah nooc ay Iiraan samaysay oo cir-ka-dhul ah oo u dhigma midka Hellfire ee Maraykanka.

Mid ka mid ah sababaha Iran ay u qarin karto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ah inay ka hortagto in cadawga dalkaasi ay burburiyaan raxantan. Halkan ka arag sawirradda….

Hadalsame Media