Arrin UGUB oo ka dhacday Madaxtooyada oo muujinaysa sida loogu baahan yahay inay XEER la sameeyo

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2022 – Waxaa weli soconaya howlihii ay xilka ku tirsanaysey Xukuumadda bedeli doonta middii jirtey tan iyo doorashadii 15-kii Maajo oo uu kusoo baxay MW cusub ee Xasan Sh oo markii 2-aad qabtay xilka ugu sarreeya dalka.

Yeelkeede, waxaa jira warar badan oo sheegaya alaabo ay Madaxtooyadu lahayd oo ay dad gaar ah ama madaxdii halkaa joogtey horay u qaateen, balse taaba geli maynee aan dul istaagno hadalkii Agaasimihii Madaxtooyadu ka sheegay xil-wareejinta.

Wuxuu sheegay in uu wareejinayo shaqaale, askar iyo agab uu sheegay inay ”si dadban uga tirsanaan doonaan” Madaxtooyada, balse uu la guurey MW hore ee Max’ed Farmaajo. Waa dhacdo ugub ah.

Waxaa la is waydiinayaa sidee loo wareejiyey shaqaale iyo askar la guurtey MW hore? Sideese Madaxtooyada uga tirsan yihiin haddiiba ka guureen? Maxaase keenaya in MW hore uu sidaa u fikiro oo yaa kula taliyey arrintan? Ma waxaa jira laba madaxtooyo?

Midi waa gar waana wax dunida ka jira, waana in madaxdii hore ilaalo la siiyo, laakiin ilaaladaasi kama tirsana Madaxtooyadu go’aanna kuma lahaato, tusaale ahaan, Maraykanka waxaa madaxda ilaalisa hay’ad dhan oo la dhisay 156 sanadood kahor, waana hay’adda USSS (Secret Service), taasoo hadda hoostagta Wasaaradda Ammaanka Qaranka.

Sidoo kale, waan garan karnaa inaysan Somalia weli lahayn sharciyo waadax ah oo arrimahan ku saabsan, waloow ay ahayd in mar hore la sameeyo maamuusyo wax kala xadayna, balse misna saasoo ay tahay waa ku ceeb qofka dalka soo xukumay inuu inta kariyaha Madaxtooyada wato yiraahdo ”aniga ayuu ii shaqaynayaa wuxuuna ka tirsanaanayaa Madaxtooyada”, waayo inaysan taasi nidaam ahayn waxaa kaaga filan caqliga saliimka ah (common sense), kahor inta aanba sharci la gaarin.

Markii James Cameron uu banneeynayey Madaxtooyada Downing Street wuxuu doonayey inuu horay usii wato bisad caan noqotay oo la yiraahdo Larry oo weliba kaaga darane uu isagu keenay Madaxtooyada, balse afhayeenka nidaamkii cusbaa ee isaga bedelayey oo ay hoggaaminaysey Theresa May ayaa ku yiri: “Bisaddani waxaa mar walba haysanaya qofka bulshada u adeegaya sidaa darteed iskama laha reer Cameron – way joogaysaa.”

Tan mar kasta yaabka kuu keenaysaa waxay tahay sida dalalkii Muslimka ahaa ee ay ahayd inay tusaale u noqdaan ilaalinta hantida ummaddu ay u sahashanayaan kala dafideeda iyadoo weliba lagu tartamayo qofba midka uu dhankaa uga xariifsan yahay, balse arrintan waa in loo sameeyaa xeer nidaaminaya, madaxduna ay ka dhowrsadaan waxyaabaha yar ee sumcaddooda cajarafadaynaya.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media