Arrin lagu dhaliili jirey MW hore ee Farmaajo oo hor yaalla MW cusub ee Xasan Sh (Tillaabo horseed ah oo uu qaadi karo)

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2022 – Waxaa 15-kii Maajo xilka kursiga Madaxtooyada Qaranka markiisii 2-aad ku guulaystey MW Xasan Sh oo xilka si rasmi ah ula wareegey Isniintii tagtay.

Ha yeeshee, Safaaradaha fara ku tiriska ah ee waxtarka yar ee Somalia dibedaha ku leedahay ayaa durba qaaday tillaabo horay loogu dhaliilay MW hore ee Farmaajo.

Safaaradahan ayaa horay waxay bogaggooda Twitter ku sharrixi jireen MW hore, taasoo ahayd arrin aan horay u jiri jirin dad badanina ay ku tilmaameen sharci darro iyo wax aan daruuri ahayn.

Haatan, qaar badan oo Safaaradaha ka tirsan ayaa dejiyey sawirkii MW hore si ay ugu bedelaan MW cusub ee Xasan Sh.

Arrintan ayaa muujinaysa in Somalia aysan weli ka korin sidii uu dalka u xukumi jirey nidaamkii kali taliska ahaa oo ah mid aad u danayn jirey sawirrada iyo ka badbadinta madaxda taasoo xitaa caqabad ku noqotay in ummadda la baro micnaha dowladnimada, midnimada iyo wadaniyadda, taa biddaalkeedana qof loo xayaysiinayey.

Waxaa kale oo hababka laga dhaxlay balse aan dimoqraadiga ahayn ka mid ah sawirrada madaxda ee meelaha la surayo, heesaha amaanta ah, wax lagu sheego qado iyo casho sharafyo iyo soo dhowayn ama sii dhowayn lagu har-baajiyo oo howlihii dowladda looga il-duufo.

MW Xasan Sh ayaa la eegi doonaa wixii uu ka yeelo arrintan iyadoo ar kacaamin cusub iyo hufid nidaam noqon lahayd haddii xitaa la joojiyo sawirrada xafiisysada lagu dhejinayo.

Hadalsame Media

Facebook Comments