Arrin halisteeda leh oo si tarab tarab ah uga soconaysa Puntland (Dal ay DF Somalia arrintan kala hadli karto)

0

(Garoowe) 29 Maajo 2022 – Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in halkaa uu ka soconayo dhoof tarab tarab ah oo lagu hayo dhirta iyo duur-joogta qaarkood tiiyoo ay jirto in aaggaasi uu badiyaa yahay lama degaan xigeen u baahan in dhir badan lagu tallaalo.

Waxyaabihii awal ay dhoofintu ku socotey waxaa ka mid ah deed-quwaaxa oo marar badan lagu qabtay dad kala duwan, waloow aan si wanaagsan loo soo bandhigin dadka arrintan ka dambeeya, balse waxaa ka daran oo haatan kusoo biiran mashruuc kale oo shimbiro ugaarsi ah oo halistiisa leh.

Shimbiraha bartilmaameedka ah ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin guumeyska, qooleeyda waawayn iyo noocyo kale shimbiraha maxalliga ah ka mid ah, iyadoo sida ay sheegayso saxaafadda maxalliga ihi durba la dhoofiyey shimbiro kor u dhaafaya 20 ilaa 20k oo shimbirood intii u dhaxaysey Luulyo 2019 ilaa Febraayo 2022, kuwaasoo loo qaaday dalka Imaaraadka Carabta.

Dhoofkan lagu hayo dhirta & duur-joogta ayaa sidoo kale dhinac kale oo ka foolxun dhoofinta lafteeda waana in markii ay dadka degaanku isku dayeen inay arrintan ka dhiidhiyaan ay qaarkood soo ogaadeen inay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah madaxda maamulka, sida uu sheegay Faarax Cabdulqaadir oo ka mid saxafiyiinta sida wayn ugu dhuun daloola arrimaha Puntland.

Arrintan oo kale ayaa waxaa DF Somalia looga baahan yahay inay soo farageliso, maadaama dhirta & duur-joogtu ay yihiin hanti qaran oo ay mas’uul ka tahay DF, aysanna ka mid ahayn waxyaabaha rukhsadda loo haysto in la dhoofiyo.

DF waxay la hadli kartaa dalka Imaaraadka oo awalna horay u ahaa dalka 1-aad ee xaalufinaya dalka Somalia oo uu dhuxusha ka dhoofsado iyadoo uu ogyahay inay sharci darro tahay oo uu ka yaallo qaraar QM soo saartay.

Hadalsame Media