”Waa ciqaab!” – Iiraan oo qabsatay 2 markab saliideed oo uu leeyahay dal ay 25% maraakiibta caalamka ee noocan ihi calankiisa qaataan

0

(Tehraan) 28 Maajo 2022 – Ciidamada Iiraan ayaa gacanta ku dhigay labo markab oo nooca saliida qaada ah oo uu ka babanayay calanka Giriiga Jimcihii shalay, xilli ay marayeen Gacanka Beershiya, xilli ay Tehraan ka mudaaharaadeysay mid ka mid ah maraakiibteeda oo lagula wareegay biyaha Giriigga horaantii todobaadkan, waxayna ku Maraykanka tilmaantay “burcad badeed”.

Washington ayaa lagu soo warramayaa inay qorsheyneyso inay iibiso shixnadda saliidda ee saaran markabka, kaasoo loola wareegay cunaqabateyn lagu soo rogay Ruushka darteed.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) qaybta badda ayaa iyaga oo adeegsanaya helikobterro oo fuulay maraakiibta Delta Poseidon iyo Prudent Warrior Jimcihii, waxaana deeto maraakiibta “kaddib waxaa galbiyey maraakiibta badda oo kasoo saaray caalamiga ah una kexeeyey dhanka biyaha maxalliga ah ee Iiraan oo dhowr mayl u jira.” sida laga soo xigtay Lloyd’s List.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Giriiga ayaa xaqiijisay qabashada labada markab, waxayna dalbatay in la sii daayo. Warbaahinta Iiraan ayaa sido kale xaqiijisay qabashada maraakiibtaasi, iyadoo si cad u sheegtay inay tahay mid loogu aargudayo falkii ay Dowlada Athens ku sameysay. In ka badan 25% maraakiibta booyadaha ah ee adduunka ayaa wata calanka Giriigga.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ihi waxay go’aansatay inay qaaddo tallaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah Giriigga kaddib markii ay qabsatay markab Iiraani ah oo ay deeto u ogolaatay Dowladda Maraykanka inay la wareegto saliidda ceyriinka ah ee saaran.” ayaa lagu qoray Nour News, oo ah xarun warfaafineed oo xiriir la leh IRGC.

Hadalsame Media