Maraykanka oo wada qorshe cusub oo ku saabsan Somaliland & maqaamka ay kula dhaqmayaan (Arag caddaynta)

0

(Washington, DC) 28 Maajo 2022 – Koongarayska Maraykanka ayaa waxaa hor yaalla mooshinno kala duwan oo ku kala saabsan min tahriibinta dadka, dhirta ilaa arrimo taabanaya Somalia.

Waxaa Koongarayska hor yaalla mooshin looga dalbanayo Wasaarad Dibadeedka Maraykanka (SD), inay warbixin sanadeedka kusoo darto kaalmadii la siiyey Maamulka Somaliland iyo qorshe ku saasan sida loola samayn karo iskaashi dhanka ammaanka ah ”iyadoo aan loo aqoonsanaynin dowlad madaxbannaan.”

Waxaa horraantii bishan Maajo booqasho ay ku kala bixiyeen Hargaysa & Berbera isla mowqifkan soo bandhigay Danjiraha Maraykanka ee Somalia, Larry Andre Jr & Jeneraalka ugu sarreeya Taliska AFRICOM, Stephen Townsend.

Waxay sheegeen inay ka wada hadleen iskaashi lasii ballaariyey oo uu Maraykanku la yeesho Somaliland, sida Maamullada kale ee Federaalka Somalia, iyadoo la raacayo ”siyaasadda Somalia mid ah” oo aan laga dhex baxaynin Dastuurka Somalia.

Somalia ayaa iminka u muuqata mid kusii socota jidkii Congo DR oo tiiyoo uu yahay dalka ugu hodonsan Afrika khayraad ahaan misna faqri iyo dagaallo aan dhammaad lahayn la noolaa tan iyo xorriyaddii taasoo ah qorshe loo hindisey si khayraadkooda loo boobo iyagoo kala qalan kalana qaybsan.

Qorshaha haatan ay Galbeedku kula dhaqmayaan Somalia ayaan caawinayni qarannimo Soomaaliyeed oo micne leh oo hanaqaadda, sidoo kalena wax badan uma tari doonto ciddii aaminsan inay wax ka heleyso.

Hadalsame Media