JIR-XUMO: Yurub oo weji kale ula soo baxday qaxootigii Ukraine oo maalmihii hore lasoo dhowaynayey (Adeegyada laga jartay)

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2022 – Malaayiin reer Ukraine ah ayaa u yaacay dhanka galbeed dabayaaqadii bishii Febraayo kaddib markii Ruushku bilaabay duullaan ka dhan ah dalkooda.

Markii hore gacmo furan ayay ku soo dhoweeyeen wadammada reer Yurub, hadda se waxay arkayaan taageeradii oo sii yaraanaysa oo gabaabsi ah – ugu yaraan marka ay timaado faa’iidooyinkii ay bixiyeen wadamada martida loo yahay.

Wadammada Yurub ayaa hadda go’aan ku gaarey inta ay doonayaan inay ku kharash gareeyaan qaxootiga Ukraine, waxaana qaar ka mid ah lacagihii bilaashka ahaa ee la bixinayey toddobaadyadii ugu horreeyey ay ku dhowdahay inay joogsadaan.

Tusaale, wixii loo gaaro bisha soo aaddan ee Juun shirkadda tareennada Jarmanka ee Deutsche Bahn ayaan tigidho bilaash ah siin doonin dadka sita Baasaboorka Ukraine, iyagoo awal bilaash ugu kala gooshayey magaalooyinka waawayn sida Berlin, Dresden, Nuremberg iyo Munich IWM.

Waxaa bedelka la siin doonaa lacago yar oo cayr ah. Waxaa go’aankan oo kale qaatay dalal ay ku jiraan Bulgaria, the Czech Republic, Poland iyo Switzerland, walow ay Poland sii wadayso tigidhada bilaashka ah ee dadka jilicsan.

Dalka Spain, qaxootigii la dejiyey hoteellada qaaliga ah ee xeebaha saaran ayaa laga cayrin doonaa, iyadoo uu warqaadka waddanifa ah ee El Pais, uu qorayo in 12,000 laga saari doono halkaasi.

Waxaa sidaa oo kale yeeli doona dalka Bulgaria, iyadoo ay idaacadda Radio Bulgaria ay baahisey in 38,000 oo qof laga cayrinayo guryo qaali ah oo KMG dhammaadka Maajo.

Bulgaria ayaa sidoo kale aad u dhimaysa lacagta cayrta ah ee qaxootigan la siiyo oo iminka ah $22 maalintii taasoo lagu soo koobayo $8 doollar bisha Juun.

Dalka Czech Republic ayaa isna bixin doonin $217 oo doollar iyadoo hadda kaddib dadka Ukraine la waydiin doono su’aalo badan loona sheegi doono inay shaqaystaan.

Dhanka kale, kooxaha tuugada ah ayaa bilaabay inay ka faa’iidaystaan xaaladda, sida uu sheegay Stanimir Stanev, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Bulgaria, waayo waxay taargooyinka ka goosanayaan mararka gaarna dhacayaan gawaarida reer Ukraine maadaama aan khidmadda jidadka, baakinka iyo canshuurta kaarboonka laga qaadin gawaaridooda.

Hadalsame Media