Dadka reer UK oo FIISE u baahan doona marka ay booqanayaan Midowga Yurub (Shuruudaha & khidmadda cusub)

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2022 – Dadka British-ka ah ee Yurub tegaya wixii sanadka soo aaddan ka bilowda marka ay booqanayaan 27-da dal ee Midowga Yurub qorshe waafaqsan Brexit oo ay UK uga baqday dalalka EU.

Dadka Ingiriisigu waxay u baahan doonaan inay fiise qaataan iyagoo maraya Nidaamka Macluumaadka Socdaalka iyo Rukhsadda (European Travel Information and Authorisation System) haddii ay safrayaan wax ka yar 90 maalmood inta lagu jiro muddada 180-ka maalmood ah.

Nidaamku wuxuu khuseeyaa dhammaan dadka ugu safraya waddan kasta oo Midowga Yurub oo lagu tegayo diyaarad, doon ama baabuur, iyo qof kasta oo xitaa kasii gudbaya qaaradda.

Dalku-ku-galku waa €7 (£ 5 gini), waana inay sitaan dadka socotada ah ee ay da’doodu u dhaxayso 18 iyo 70 jir.

Waa muhiim in codsiga lagu dhammeeyo ugu yaraan 96 saacadood kahor inta aan la dhoofin.

Codsadayaasha waxaa la waydiin doonaa macluumaad ku saabsan aqoonsigooda, baasaboorkooda, waxbarashadooda, shaqadooda, safarkii ugu dambeeyey, iyo dambiyada lagugu xukumay, oo ay ku jiraan haddii waligaa lagaa saaray ama lagaa musaafuriyey waddan.

Dukumeentigu wuxuu khusayn doonaa seddexdii sano ee ugu dambeeyey laakiin wuu dhacayaa haddii ay noqoto inaad qaadato baasaboor cusub.

Nidaamkan cusub ee dhijitaalka ah ayaa hubin doona magaca qofka, xogta biometric-ga ee qofka, taariikhda iyo goobta uu kasoo galay iyo tan bar bixitaanka.

Hadalsame Media