”Waxay saldhigga timid iyadoo gacanteeda caatada ah ku sida middi wayn” – Warkii ugu dambeeyey gabar Soomaali ah oo dishey nin kufsan rabey

0

(Hadalsame) 27 Maajo 2022 – Hay’adaha baarista ee dalka Masar ayaa go’aamiyey in xabsiga muddo 4 maalmood ah lagu sii hayo gabar 15 jir ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, iyadoo loo haysto kiiska dil loo geystay darawal mooto bajaaj ah, si ay u difaacdo sharafteeda iyo karaamadeeda. kaddib markii uu isku dayay inuu kufsado iyadoo afduuban.

Hay’aadka baarista ayaa amray in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo baaritaanka dhacdadan si loo soo bandhigo sida ay wax u dhaceen iyo faahfaahintooda, waxa ayna sidoo kale dib u eegis ku sameeyeen baasaboorka iyo warqadaha ay gabadhani ku degan tahay dalkaasi. Waxaa sidoo kale la eegayaa kaamarooyinka ammaanka ee goobta ka dhowaa.

Shilkan ayaa ka dhacay Degmada 11-ka Oktoobar, waxaana la sheegay in gabadhu ay Masar u tagtay waxbarasho balse ay haatan isu rogtey gacan ku dhiigle dil ku eedaysan, waloow uu ninkani isku dayey inuu sharafteeda ku tunto.

”Gabadha yar ayaa saldhigga booliiska soo gashay iyadoo gacanteeda caatada ah ku haysata mindi wayn, dharkeedana uu dhiig ku wasakhaysan yahay. Waxaana ay u sheegtay in ay dishay nin darawal ah oo ku qafaashay tuk-tuk iskuna dayey in uu xoog ku kufsado, iyada oo sheegtay in aanay ku talo jirin in ay disho iyada oo doonaysay in ay sharafteeda difaacdo.” ayaa lagu qoray Telle Report oo soo xiganaya booliiska.

Kiiskan ayaa maskaxda dadka kusoo celinaya kiiskii gabadhii Al-Ayat ee dishey darawal bas kaasoo ay ku dhufatay 13 middi si ay u difaacdo sharafteeda.

Bilowgii waxaa la sheegay in gabadhu ay mootad bajaajta ah kasoo raacday waddo ku taalla Degmada 11-ka Oktoobar, wuxuu geeyey meel cidlo ah oo aanay cidina joogin, wuxuuna ku taagey mindi wayn kahor intuu aanu dhulka ku tuurin, balse intii uu mashquulsanaa ayuu wuxuu meel agteeda ahayd dhigay mididii, balse taasi waxay gabadhii yarayd u noqotay fursad ay midida ku haabato iyadoo halowda iyo dhabarka ka gelisey, markaasoo uu miisaankii ka lumay oo uu dhulka ku dhacay.

Waxaa haatan gabadha la tusiyey Xeer ilaalinta oo amartay in xabsiga lagu sii hayo, inta baaritaannada dheeraadka ah lasoo afjarayo.

Hadalsame Media