Reer Galbeedka oo Somalia ugu horreeysiiyey dalal ay ku dhaliileen arrin ay sameeyaan

0

(Hadalsame) 27 Maajo 2022 – Ugu yaraan 579 qofood ayaa dil toogasho ah lagu fuliyey 18 dal oo dunida ah sanadkii tegey, iyadoo dalalkani ay sii wadeen toogashooyinka kaddib markii la qaaday xannibaadihii COVID-19, sida ay sheegtay Amnesty International.

Tirada iminka la sheegay ayaa ka dhigan koror dhan 20% marka la eego tiro-koobkii 2020. Dalka Iiraan oo dilalka ugu badan fulisey ayaa toogatey 314 qofood, taasoo ka badan 246 ay dishey 2020.

Amnesty International, ayaa intaa raacisay in Bariga iyo Koonfurta Africa, ay toogashooyinku laba-laab ka badan kordheen, iyadoo farta lagu fiiqay laba dal oo African ah oo ay ugu horreeyso Somalia oo lagu toogtey 21 qofood iyo South Sudan oo dishey ugu yaraan 9 qof. Halka 3 lagu diley Botswana.

“Dalalka Somalia, South Sudan iyo Botswana ayaa ka weecsan qaabka dalalka kale ee Saxaraha Africa ka hooseeya oo kasii guuraya xukunnada dilka ah.” ayay ku doodday Deprose Muchena, oo ah Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta qaaradda Africa.

Marka laga soo tago 33 toogasho ee laga fuliey Botswana, Somalia iyo South Sudan sanadkii 2021-kii, inta badan dalalka Africa ee weli ku dhaqma ciqaabta madaniga ah ee dilka sida Kenya, Malawi, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe, cidna laguma tooganin.

Si kastaba, Amnesty oo sheegta inay aad u diiddan tahay in dembiilayaasha dil lagu xukumo ayaa waxaa misna dunida ka jira dalal inta ku duulaan dalal nabdoon ku laaya dad shacab ah oo aan toogashaba lagu xukumin, kuwaasoo aad uga badan 33 qof oo lagu toogtey 3-dan dal.

Hadalsame Media