Israel oo si cad u diiddey codsi ka yimid Maraykanka si aysan uga caraysiinin Ruushka & meesha ay ka cabsanayso + Sawirro

0

(Tel Aviv) 26 Maajo 2022 Israa’iil ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin in Jarmalku uu ka iibiyo gantaalaha lidka taangiyada ee Spike dalka Ukraine, sida lagu sheegay warbixin ay faafisay Axios oo Maraykan ah.

Gantaalka Spike ayaa lagu sameeyaa gudaha Jarmalka iyadoo la adeegsanayo shatiga Israel maadaama ay samayso shirkad ISRAELI ah, sidaa darteed, Tel Aviv waa inay ogolaato dhoofintiisa.

Madaxda Pentagon-ka ayaa sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Israa’iil ka codsaday oggolaansho ku saabsan arrintan mar uu Washington booqday bishan, balse waa laga diiday.

Israa’iil waxay ka walaacsan tahay in askarta Ruushka lagu dilo hub ay Israa’iil samaysay, taas oo markaas horseedi doonta in Moscow ay waxyeello u geysato danaha ammaanka Tel Aviv ee Suuriya, sarkaal sare oo Israa’iili ah oo aan magaciisa la sheegin ayaa sidaa ku yiri Axios.

Arrintani waxay soo ban-baxday laba toddobaad kahor, markii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Israel, Amir Eshel, uu booqday Maraykanka. Xoghayaha Pentagon-ka ee siyaasadda, Colin Kahl, ayaa waydiistay ogolaansho si Jarmalku uu u dhoofiyo gantaalaha Spike dalka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha la hadashay Axios. Eshel ayaase markiiba goobta ku diidey codsiga, isagoo u sheegay in Israa’iil ay Kiev siin doonto oo keliya qalab millateri oo aan cuslayn.

Markii Wasiirka Difaaca Israa’iil, Benny Gantz, uu tegey Washington Arbacadii hore, su’aasha gantaalaha ayaa la sheegay inaan lagu soo qaadin kulamadii uu la yeeshay Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin iyo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan.

Yeelkeede, isla maalintii booqashadiisa, Israa’iil ayaa waxay ku dhawaaqday inay Ukraine u dirayso 2,000 koofiyadaha askarta ah iyo 500 jaakadaha difaaca rasaasta ah.

Gantaalaha Spike ee lidka taangiga waxaa sameeysay shirkadda nidaamyada hubka ee Israel ee Rafael Advanced Defense Systems, waxaana markii ugu horreysay la howlgeliyey 1980meeyadii.

Gantaalkan oo garabka laga tuuro ayaa leh muuqaallo casri ah, tusaale, waxa lagu xiri karaa madaxyo lid taangi ah amaba madaxyo kale oo aad u qarxaya, sidoo kale waa la hagi kara amaba waxaa lagu ridi karaa aragti qaawan oo caadi ah qaab aragti ku toogasho ah.

Dalalka ku jira Gaashaanbuurta NATO iyo qaar kale oo la olog ah ayaa u doorbida inay ku xiraan garbaha dayuuradaha qumaatiga u ah ee weerarka.

Pentagon-ku weli si rasmi ah ugama hadlin warbixintan.

Hadalsame Media