Farriin uusoo gudbiyey CCW oo ay durba doodi ka taagan tahay & sida wax u dheceen

0

(Muqdisho) 28 Maajo 2022 – MW DF Somalia, Xasan Sh Maxamuud ayaa hoggaanka Xisbiga Wadajir ee Cabdirahman Cabdishakuur Warsame, kaasoo ay dadku siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen waloow ay inta badani ku dhaliilayeen inuu qaatay xil aan ama dastuuri ahayn ama aan u qalmin.

Yeelkeede, tiiyoo aanay khalad ahayn in siyaasigu uu dadkiisa u adeego misna Warsame ayaa tillaabadii 1-aad ee uu qaadayba doodi ka taagan tahay haatan.

Warsame ayaa soo qaatay sawirka gabar yar oo ag taagan qabri ku yaalla meel cadduun ah oo omos ah, wuxuuna ku dul qoray in gabadha yari tahay Kaafiya Nuur oo dul taagan maydka walaaleheed oo mataano ah oo kala ah Ceebla & Cabdiya oo baahi ugu dhintay Xerada Kaxarreey ee duleedka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Runtii waa farriin dad badan xaadda dhaqaajisay oo saamayn leh, marka laga soo tago inay dadka qaar ku doodayaan inay been tahay.

Sawirka uu Warsame faafiyey waxay sheegayaan inuu ahaa 10-kii Maarso 2021-kii, gabadha yar ee meesha taaganina waa Aamina Nuur maydka aasanina waa mataano kala ah Axmed iyo Sacdiya oo baahi ugu dhintay Xerada Qaxootiga Boqolmayo oo ku taalla meel ay ka taliso Itoobiya, sida ku qoran sawirka hore oo aynaan weli xaqiijin karin.

Hadalsame Media