Dal dhan oo CARFIID laga caabudayey oo ay Soomaalidu sabab u noqdeen inuu Muslimo?

0

(Hadalsame) 26 Maajo 2022 – Warbaahinta Caalamiga ah ee Aljazeera ayaa boggeeda internetka ku daabacday warbixin xiiso badan oo ku saabsan in qof Soomaali ah uu sabab u ahaa in diinta Islaamku ay gaarto dalka maanta horumarsan ee Maldives oo dhaca Qaaradda Asia. Halkan ka DAAWO…

Warbixinta lagu daabacay Al-JazeeraNet ayaa la sheegay in dadka reer Maldives oo dhulkoodu uu kor u dhaafayey 20,000 oo Jasiiradood uu Qarnigii 12-aad mid ka mid ah jasiiradahas tagay nin lagu magacaabi jiray Abuu Barakaat Alberbari.

Dadka Maldives oo hadda wada Muslim ah ayaa waagaas waxa ay haysteen diinta buudista ah. Qisada ay ku islaameen oo xiiso leh ayaa warbixintu waxa ay kasoo xigatay Dhulmarkii Muslimka ahaa ee Ibnu-Batuutah.

Sheekh Alberbari ayaa kolkii uu Jasiiraddaas tagay waxa uu si lama filaan ah ula kulmay dad ku xoonsan haweenay da’a ah oo barooranaysa, tacsina dhiganaysa.

Kaddib markii uu warsday sababta ay u ooyeyso ayaa loo sheegay in bil kasta uu Jasiiradda yimaado cifriit lagu magacaabo “Shaydaanka Badda”, kaas oo meel loogu xiro gabar ka mid ah gabdhaha tuulada oo qori-tuur lagu soo xulo.

Haweenayda ayaa Albarbari u sheegtay in ay hal gabar u joogto, iyadiina caawa ay tahay in loo xiro shaydaanka, maadaama uu qori tuurku ku dhacay.

Sida caadada ah, Subixii ayaa ehelada gabadha Cifriitka loo xiray waxa ay ka doontaan maydkeeda goobtaas oo ah meel sanamo yaalliin, balse waxaa lama filaan ku noqotay markii ay booskii gabadhooda ay ku arkeen Sheekh Albarbari oo Quraan akhrinaya, sidaasna ku badbaadiyey gabadhoodii.

Waxa ay ula ordeen Boqorkoodii oo la yaabay arrinta dhacday markii looga sheekeeyey, balse ka codsaday Sheekh Barbari in uu bil kale la joogo oo haddii uu markale Cifriitka ka badbaado uu Boqorku islaami doono.

Bil kaddib sidii ayaa dhacday, boqorkiina waa islaamay iyo inta badan dadkii ku noolaa Jasiiradahas.

Inkastoo Badmareen Ibnu-Batuutah uu ku sheegay in Albarbari uu kasoo jeedo dalalka Galbeedka Carabta, haddana warbixinta ayaa ku tilnaamatay Ibnu-Baduuda mid uu ugu eexday dadka uu kasoo jeedo, maadaama Jasiiraddaas uu qarnigii 14-aad ka talinaayey Suldaan Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulcasiis Almuqdushaawi oo kasocday Saldanadii Ajuuraanka ee ka talinaysay Geeska Afrika.

Sidoo kale, magaca Sheekha diinta gaarsiiyey Maldevis ayaa la sheegay in uu kasoo jeeday magaalada Berbara ee Waqooyiga Soomaaliya, wakhtigaasna Soomaaliduay ku abtirsan jireen deegaan sida Muqdushaawi iyo Barbaraawi.

Waa adduun iyo xaalkiis, nin reer Berbera ah ayaa diinta gaarsiiyey Jasiiradahaas ku yaal Asiya-da fog, iyadoona sidoo kale qarnigii 14-aad u xukumayey nin Muqdushaawi ah, waa waagii uu hankeennu dhaafsana reer hebel iyo tuulo hebel.

Waxaa Tarjumay: Maxamuud Bashiir Jaamac

Hadalsame Media