XOG: Arrin aan saxaafadda loo bandhigin oo ay EU-du ula tageen MW Xasan Sh

0

(Muqdisho) 25 Maajo 2022 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada dalka ee Villa Somalia kulan kula qaatay wefdi ay hoggaamineyso Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber oo ay wehlineysey Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

“Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.” Ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada oo aan bixin tafaasiil intaa dheer.

Yeelkeede, xogo kale ayaa tibaaxaya in EU-du soo qadintey dalab ku aaddan in lasoo celiyo Howlgalkii ay ku sheegi jireen “La Dagaallanka Burcad Badeedka” ee xeebaha Soomaaliya, kaas oo ay Xukuumaddii Farmaajo diiddey in la cusbooneysiiyo maadaama 6 sano waqti ka badan aanu xeebaha Soomaaliya ka dhicin wax afduub ah.

Howlgalkan ayaa larumeysan yahay in ay dalalka Midowga Yurub iyo kuwa kale ee qaybta ka ihi ay ilaashadaan dano faa’iidooyin u gaar ah oo istaraatiji ah balse aysan waxba ugu qaban Somalia.

Xogo la helayo oo aan weli la xaqiijinin ayaa waxay sheegaysaa in Madaxwayne Xasan uu aqbalay dalabka Midowga Yurub ee ah in lasoo celiyo Howlgalkan, balse lama oga in lala gorgortamay maadaama ay Blue Marine Faundation ay sheegtay in dalal EU ka mid ah sida Faransiiska iyo Spain ay ka jillaabtaan xeebaha Somalia, kuwaasoo ka mid ah dalalka sheega inay burcad badeed kula diriraan xeebaha Somalia.

Hadalsame Media