Wax horumar la moodayo oo ka socda Garoonka Aadan Cadde oo bixinaya sawir ka xanuun badan midka loo jeedo

0

(Muqdisho) 25 Maajo 2022 – Waxaa sanadihii dambe soo kordhayey mashquulka Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, taas macnaheedu maahan Hormar iyo in diyaaradaha dibaddu soo badanayaan ama dad cusub dalka bannaanka uga imanayaan taas oo dhaqaalaha kor u qaadi lahayd.

Laakiin bil cagsi waa in dadkii dalka gudihiisa ku safri lahaa aysan dhulka mari karin ammaan xumo darteed, gaar ahaan magaalooyinka caasimadda u dhaw sida Jowhar iyo Baydhabo.

Arrintaan waxey sidoo kale hawlgab ka dhigtay gaadiidkii dadweynaha iyo dadkii badnaa ee ka shaqeysan jiray waana sababta keentay in dhammaan dhallinyaradi iyo dadkii baaburta waaweyn ku shaqeysan jiray Bajaajta isugu yimaadaan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheikh hoggaaminayo sanadka ugu horreeya waxaa hortaalla sidii ay xoogga isugu geyn lahayd ammaanka iyo xoreynta dalka si nooloshu caadi ugu soo noqoto.

Sidoo kale bulshada inteeda kale iyo ganacsatadu maahan in duruufuhu na hoggaamiyaan, haddii ammaanku xumaaday maahan in ganacsatadu Kenya diyaarado kasoo wada kireystaan inta baaburta dhigaan ee waa iney dowladda cadaadis ku saaraan sidii xal loogu heli lahaa waxyaabaha xalka nolosha ee bulshada inteeda badan ku jiro, iyaguna ka qeyb qaataan.

Haddii Alle idmo waa in dadku Afgooye iyo Jowhar uu ciid iyo jimcaysi tagi karaan wixii intaas ka sokeeya isbadal maahan, Madaxwayne Xasanna dhaxal uma noqoto.

W; Q: Maxamed Royal

Hadalsame Media