Sweden & Finland oo u muuqda kuwo u dabcey dalabkii Turkiga & tillaabo ay maanta qaadayaan

0

(Ankara) 25 Maajo 2022 – Finland iyo Sweden ayaa la filayaa inay wafuud u diraan Turkiga Arbacadan maanta ah, si ay u xalliyaan mashaakilaadka ku saabsan mucaaradadda Ankara oo kasoo horjeedda xubinnimada labada waddan ee Woqooyiga Yurub ee Gaashaanbuurta NATO.

“Waxaan u diraynaa wafdiyadiyo inay booqdaan Ankara, dhab ahaantii labada dalba Sweden iyo Finland. Tani waxay dhici doontaa berri si wadahadalku usii socdo,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland, Pekka Haavisto isagoo ku sugan Davos Talaadadii shalay.

Turkiga oo muddo dheer xubin ka ahaa NATO ayaa ka dhawaajiyey inuu diiddan yahay Finland iyo Sweden inay xubin ka noqdaan NATO, iyagoo dhaleeceeyay labada dal ee Woqooyiga Yurub oo ay sheegeen inay taageeraan ama saldhig siiyaan kooxo ay Ankara u aragto ”argagixiso.”

Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan ayaa si joogta ah ugu celceliyey in wadankiiu uusan aqbali doonin in Sweden iyo Finland ay ku biiraan NATO, maadaama ay ku guuldarraysteen inay mowqif cad ka qaataan ururrada argagixisada, sida uu yiri.

Waddan kasta oo doonaya inuu ku biiro Isbahaysiga Heshiiska Isbahaysiga Waqooyiga Atlantic-gu wuxuu u baahan yahay taageerada wadajirka ah ee 30-ka xubnood ee isbahaysigan millateri.

Maraykanka iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah ayaa isku dayayey inay helaan sharraxaad ku saabsan mawqifka Ankara.

Hadalsame Media