Sh. Shariif oo looga digey arrin ku hoos jirta xilka loo magacaabay oo hirgeli karta haddii uu aqbalo

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2022 – Haddii ay dhab tahay wararka lagu faafinayo baraha bulshada ee sheegaya in Madaxwaynihi hore Shariif Sheekh Axmed loo magacabaayo ergayga madaxweynaha soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliland, taasi waa siyaasad ka bixid ee odaygu ogaal ha ku qaato.

Wada-hadal waa wax fiican, balse jagooyinkaas oo kale waxaa loo magacaabaa odayaasha siyaasadda ka fariista ama siyaasi heerkiisu uu hooseeyo  (junior) oo shaqo abuur looga dhigo.

In saddex mar aad tartan gasho lagaaga guuleysto guul-darro cabbir uma ahan- Madaxweynaha hadda talada Nayjeeriya haaya Maxamadduu Bukhaari waxa uu xukunka dalkiisa xoog ku qabsaday 1983kii, waqtigaas oo uu dalkiisa kala dagaallamay musuqa, balse labo sano kaddib ayaa isna xoog looga tuuray xukunkii, xabsi ayaana loo taxaabay, isaga oo xirnaa 3 sanadood.

Laga soo billaabo 2003dii waxa uu galay 3 tartan oo uu ku guul-darreystay, kuwaas oo wakhtiyadoodu kala ahaayeen: 2003 , 2007, iyo 2011.

Dadaal iyo quus la’aan ka dib ayuu Ugu dambeyn 2015kii ku guuleystay doorasho dhacday , isaga oo da’diisu ay tahay 73 jir ah , 2019kiina dib ayaa loo doortay , welina waa madaxweyne.

In doorasho lagaaga adkaado guuldarro ma ahan, waxaase guuldarro ah in aad waddada ka habowdo.

FG: Sharciyan ma jiro xil siyaasadeed oo ay tahay in loo magacaabo shaqo abuur ahaan sida uu qoraagu sheegay.

!اللهم هل بلغت

W; Q: Cabdiraxmaan Mukhtaar Caddow

Hadalsame Media