MW Xasan Sh oo durba la hor dhigay xallinta arrin looga ashtakoonayo MW hore ee Farmaajo (Daawo)

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2022 – Wasaaradda Diinta & Awqaafta Maamulka Somaliland ayaa diiddey inay aqbasho qoondo dhan 350 xaaji oo uu nidaamkii MW hore ee Farmaajo uga qoondeeyey xujeeyda fasalkan soo xajinaysa.

Wasiirka Diinta & Awqaafta ayaa ku nuuxnuuxsaday in tirada la siiyey oo saami ahaan noqonaysa 6.8% ay iyagu saluugsan yihiin islamarkaana ay celinayaan.

Waxay sheegeen in arrintani soo bilaabatay fasalladii xajka ee 2018 iyo 2019 oo ahaa markii ugu dambaysey ee si furan loo xajiyo kahor cudurka Covid-19.

Yeelkeede, wuxuu taa bidaalkeeda dalbaday 40% oo uu ku dooday inay horay u qaadan jireen, waloow ay taasi noqonayso ku dhowaad kala bar tirada guud oo ah wax aan sidaa uga badnayn 5,600, taasoo lafteedu ka badan intii ay xaqa u lahaayeen.

MW cusub ee Xasan Sh ayay arrintani noqonaysaa mid ka mid ah caqabadaha ugu horreeya ee xalka ka sugaya.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media