Dal kale oo EU ka tirsan oo isna ka mid ah kuwa ka kalluumaysta xeebaha Somalia & cillad jirta oo sahlaysa arrintan

0

(Muqdisho) 25 Maajo 2022 – Hay’adda Blue Marine Foundation oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo u dhaqdhaqaaqa kalluumaysiga xad-dhaafka ah ama sharci ah ee dunida ka socda ayaa kashiftay maraakiib kalluumaysi oo uu leeyahay dalka Spain.

Haatan, waxay sidoo kale Blue Marine Foundation sheegtay in sidoo kale uu dalka Faransiisku ka mid yahay dalalka sida sharci darrada ah uga jillaabta xeebaha dihan ee aan cidin ilaashan ee dalkeenna Soomaaliya.

Warbixinno ay daabacday hay’adda Blue Marine Foundation ayaa qoraal ay soo saartay shaaca kaga qaaday caddaymo muujinaysa kalluumeysiga sharci darrada ah oo ay dalal ka tirsan Midowga Yurub ay ka wadaan Badwaynta Hindiya iyo tan Cas ee Soomaaliya.

Warbixinnaddan ayaa waxaa ka xusan in dalalka kalluumeysiga sharci darrada ah halkaa ka wada ay ugu waawayn yihiin maraakiib laga leeyahay Spain iyo Faransiiska oo ku sugan biyaha Soomaaliya iyo Hindiya iyaga oo aan haysan wax rukhsad ah oo u fasaxaya inay aaggaa ka jillaabtaan.

CILLADDAMarka laga yimaado heshiisyada iskaashiga Kalluumeysi ee joogtada ah (SFPAs) ee lala galo DF Somalia, kuwaasoo aan la ogayn halka uu dakhligoodu aado iyo sida loogu xisaabtamo, misna waxaa sidoo kale jira heshiisyo qarsoodi ah oo ay galaan shirkadaha kalluumeysiga qalaad iyo Maamul-goboleedyada Soomaaliya oo aan xaq u lahayn inay bixiyaan rukhsado caalami ah, maadaama ay taasi tahay howl ay leedahay DF.

Blue Marine Foundation waxay sheegtay inay arrintan ku wargelinayaan Midowga Yurub, si wax looga qabto kalluumaysiga sharci darada ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Hadalsame Media