”Waa xisaab noocee ah?!” – Norway oo si adag uga jawaabtey dal ka tirsan NATO oo ku baaqay in la qaybsado dakhliga shidaalka dalkaasi

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2022 – Norway ayaa si cad u sheegtay in aysan marna aqbali doonin dalabka Poland ee ah in ay la wadaagto faa’iidada sii kordhaysa ee ganacsiga saliidda iyo gaaska dalkeeda nidaamyada Warsaw ama Kiev.

Axaddii, Ra’iisul Wasaaraha Poland, Mateusz Morawiecki, ayaa wuxuu sheegay in Norway ay ka heli doonto € 100 bilyan oo dheeraad ah ($ 106.9 bilyan) iibka tamarta sanadkan taasoo ay sabab u tahay kor u kaca qiimaha saliidda iyo gaaska iskahorimaadka Ukraine iyo cunaqabataynta caalamiga ah ee Ruushka dartood.

“Waa inay wax naga siiyaan faa’iidadan xad-dhaafka ah. Caadi maaha, waa cadaalad darro. Waxay si aan toos ahayn uga faa’iidaysanayaan dagaalka uu bilaabay (Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin),” ayuu ku dooday Ra’iisul Wasaaraha Poland, isaga oo intaa ku daray in Oslo aysan khasab ahayn inay lacagteeda u dirto Poland, laakiin u dirto Ukraine.

Morawiecki ayaa sidoo kale ku boorriyey dhallinyarada reer Poland inay ku ceebeeyaan saaxiibadooda Norway faa’iidada badan ee iyagoo adeegsanaya internet-ka si ay dalkaa ugu riixaan inuu wax ka bixiyo hantidaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibadda Norway, Eivind Vad Petersson, ayaa su’aal geliyay xisaabta uu isku dhuftay Morawiecki Isniintii.

Waxa uu sharraxay in dakhliga saliidda iyo gaaska ee xad-dhaafka ah uu galo sanduuqa hawlgabka ee dalka, oo sidoo kale loo yaqaan Sanduuqa Saliidda (Oil Fund), oo la aasaasay 1990-kii si loo hubiyo in hantidani ay u adeegto jiilka hadda iyo kuwa mustaqbalka ee Norway.

“In kasta oo dakhliga batroolku uu kordhay natiijada dagaalka Ukraine darteed, misna qiimaha sanduuqa ayaa hoos u dhacay,” ayuu tilmaamay Vad Petersson.

Tan iyo bilowgii sanadkan, sanduuqa hawlgabku waxa uu lumiyay 550 bilyan oo karoon Norwegian ah (qiyaastii $ 56 bilyan) taasoo loo aanaynayo sababo la hal maala qalalaasaha suuqa saamiyada, sida uu yiri diblamaasigu.

“Dhaqaalaha Norway iyo macaamiisha Norway waxaa sidoo kale saameeyey oo sare ugu kacay qiimaha korontada iyo shidaalka.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media